Xisbiga KULMIYE oo Xafiisyo cusub ka Furtay Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa (ToggaHerer)- Maamulka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE, ayaa xadhigga ka jaray xafiisyadii ugu badnaa oo xisbigu ku yeeshay Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargeysa.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Maroodi jeex Maxamed Iid Dhinbiil Oo Ay Weheliyaan Masuuliyiin Kale Ka Tirsan Xafiiska Maamulka Gobolka Ayaa Xadhiga Ka Jaray Shan Xafiis Xafiis Oo Xisbigu Ku Yeelanayo Degmada Axmed-Dhagax.

Munaasibado koob kooban ayaa xafiiskasta dhankiisa lagu qabtay iyagoo bulshada degmo kastaana sheegay inay ku faraxsanyihiin masuuliyiiinta xisbiga midnimada iyo horumarka soomaliland ee KULMIYE kala soo qayb galaan furitaanka xafiisyadan Codna Dheerna Ku Sheegay Inay mar labaad u helanyihiin siday usoo saari lahaayeen xisbigan.

Dhankooda masuuliyiinta gobolka maroodijeex ee xisbiga kulmiye ayaa sheegay inay ku farax sanyihiin xafiisyadan taagerayaashu ay iskood u furteen soona dhawaynayaan .

Advertisement

Ku Xayeysiiso