Xisbiga KULMIYE oo Xafiisyo cusub ka Furtay Saddex Degmo oo Caasimadda ka mid ah

Hargeysa (ToggaHerer- Maamulka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga KULMIYE, ayaa xadhigga ka jaray xafiisyadii ugu badnaa oo xisbigu ku yeeshay saddex degmo ku yaal caasimadda.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Maroodi jeex Maxamed Iid Dhinbiil Oo Ay Weheliyaan Ku Xigeenkiisa Iyo Masuuliyiin Kale Oo Xilal Sare Ka Haya Xisbiga KULMIYE Ayaa Xadhiga Ka Jaray Xafiisyo Tiro Badan Oo Laga furay Shanta Degmo Ee Ka Koobantahay Caasimada Hargeysa .
Munaasibado koob kooban ayaa xafiiskasta dhankiisa lagu qabtay iyagoo bulshada degmo kastaana sheegay inay ku faraxsanyihiin masuuliyiiinta xisbiga midnimada iyo horumarka soomaliland ee KULMIYE kala soo qayb galaan furitaanka xafiisyadan Codna Dheerna Ku Sheegay Inay mar labaad u helanyihiin siday usoo saari lahaayeen xisbigan.
Dhankooda masuuliyiinta gobolka maroodijeex ee xisbiga kulmiye ayaa sheegay inay ku farax sanyihiin xafiisyadan taagerayaashu ay iskood u furteen soona dhawaynayaan .

Advertisement

Ku Xayeysiiso