Gudaha Ka eeg Kadib Catalonia … Afti Madaxbanaani oo ka Dhacaysa laba gobol oo Italy ah

Laba gobol oo Talyaani ah ayaa afti qaban doona 22-ka October si ay uga dalbadaan madax-bannaani Rome Sidaana waxa warisay Wargeyska The Times.

Wargeysku wuxuu sheegay in labada gobol ee Qaniga ah ee Lombardy iyo Veneto ay doonayaan in ay qabtaan Afti Madaxbanaani ay ku rabaan 22-ka Oktoobar.

Ururku Reer Waqooyiga ayaa cambaareeyay rabshadihii dhacay intii lagu guda jiray  aftidii ka Dhacday Gobolka Catalonia, halkaas oo dhaqdhaqaaqayaal ay ka sameeyeen Isu Soo bax ay kaga soo horjeedeen qunsuliyada Isbaanishka ee magaalada Milan, habeenimadii Isniinta.

Roberto Calderoli oo ah senator-ka Waqooyiga  ayaa  barbardhigay xukuumadda Isbaanishka xukuumadda Suuriya isaga oo ugu yeedhay Talyaaniga inuu joojiyo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee Madrid.

Doorashadii Veneto ee ahayd inay ka madax-banaanaadaan  Rome sannadkii 2014-kii, markii gobolku abaabulay afti laba milyan oo qof oo ka tirsan gobolka ayaa u codeeyay “haa” si ay uga baxaan dalka intiisa kale.

Dadka degan labada gobol ayaa la filayaa inay bishan u codeeyaan kaliya madax-bannaani.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso