Dalladda Dhismaha ee TISQAAD oo Cududdooda Taageero ku Biirisay Xisbiga KULMIYE 

Hargeysa(ToggaHerer)-Dalladda ay ku bahoobeen Is-kaashatada dhismaha Hargeysa ee TISQAAD, ayaa cududooda taageero ku biiriyey xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE.
Munaasibadda ay is-kaashatada dhismaha ee Hargeysa ee TISQAAD oo xalay lagu qabtay xarunta ay ku kulmaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee BAR-KULAN, ayaa waxa ka qaybgalay wasiirro, siyaasiyiin katirsan xisbiga KULMIYE, hoggaanka ururka TISQAAD ee dhismaha iyo taageerayaal tiro badan oo ku abtirsada xisbiga KULMIYE, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu soo dhaweynayo cududda ururka cusub ee xisbiga kusoo biiray.
Xubno kamid ah madaxda sare ee xarunta Bar-kulanka taageerayaasha KULMIYE oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey dallada TISQAAD ee go’aansatay inay xisbiga KULMIYE taageeradooda ku biiriyaan, waxana ay tilmaameen in cududooda iyo codkoodaba baahi badan loo qabo.
Xubin ku hadashay magaca dallada TISQAAD, ayaa ku dheeraaday asbaabta keentay inay xisbiga KULMIYE ku biiraan, waxana uu tilmaamay inuu murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ka filayo inay wax badan ka qabtaan caqabadaha haysta bulshada mihnadda dhismaha ku hawllan, isla markaana ay urur ahaan si weyn ula dhacsan yihiin qodob ku jira Barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE oo ka hadlaya sida loo maaraynayo dadka ku hawllan farsamada gacanta oo dhismuhu soo gelayo.
Wasiiru-dawlaha ganacsiga Md. Maxamuud Warsame oo madasha soo afmeeray, ayaa si diirran xisbiga KULMIYE ugu soo dhaweeyey dallada dhismaha ee TISQAAD, waxana uu sheegay inay yimaadeen madal aan la kala xigin, isla markaana laga soo dhaweynayo cidkasta oo cod iyo cududba xisbiga la garab istaagaysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso