Marseille: Nin Toorey ku dilay Laba Haween ah iyo Daacish oo Sheegatay

Booliska Faransiiska ayaa sheegay in weerar lagu dilay laba dumar ah kuwaas oo si xun u dhaawacmay markii hore mid ka mid ah ayaa la gowracay halka ta kalena laga tooriyeey Caloosha.
Sarkaal  ayaa sheegay in ninka weerarka geystay oo Boolisku toogtay  inuu ahaa da`ahaan 25 illaa 30 jirna walina la aqoonsan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa sheegtay in laba dumar ah oo da’doodu u dhaxayso 17 jir iyo 20 jir – lagu dilay tooriyeyn lagu weeraray saldhiga tareenka “Saint Charles” ee magaalada Marseille, France.

Geesta kale Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar lagu  qaaday saldhig tareen oo ku yaal magaalada Faransiiska ee Marseille Axaddii halkaas oo laba dumar ah ay ku dhinteen mindi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso