Toban Dariiqo Oo Aad Hadafkasta Ku Gaadhi Kartid W.Q Kadim Ali

  • AAMINAAD.Qodobka ugu horeeya markaad hadaf samaynayso waa inaad aaminto inaad gaadhi karto yoolkaaga. Haddi aanad aamisanayn inaad noloshaada bedeli kartid, waxaad noqonaysaa mid fashilmay. Balse waa inaad ALLE talo-saarato ,aamintana inaad hadafkaaga gaadhi karto.
  • SAWIRO HADAFKAAGA. Waa inaad sawirato waxa aad rajaynsyso inaad qabato, noqoto ama yeelato. Waa inaad sidoo kale sawirato waxaad u baahanayso si aad u gaadho yoolkaga sida aqoon IWM.
  • QOR YOOLKAAGA. Qorista yoolkaaga waa dariiq muhiim ah oo aad ku gaadhi kartid hadafkaaga. Haddii aad qori waydo yoolkaaga waxa dhici karta inaad ilawdo ama ınaad ka caajısto la ımaanshaha sababıhıı aad ku gaadhı lahayd.
  • OGAANSHAHA SABABTA AAD YOOLKAN KU DOORATAY. Waxa fiican qofku marka uu yool leeyahay inuu ogyahay sababta uu yoolkan ku doortay. Inaad ogaato sababta aad yoolkan u dooratay waxay ku siinaysaa dhiirigalintii aad u baahnayd si aad hadafkan u gaadho. Isku day inaad ugu yaraan u raadiso hal sabab oo cadaynaysa waxaad ku dooratay yoolkaaga.
  • WAA INAY KAA GO’AN TAHAY INAAD YOOLKAAGA GAADHO. Marka aad doonayso inaad yoolkaaga gaadho waa inaad go,aan adag qaadato, kaas oo ah inaanad is-dhiibaynin , niyad-jabaynina kolka ay wadada aad yoolkaaga u maraysaa adkaato. Waxaanad mar labaad ogsoonaataa in qodobka afraad uu yahay mida uu ku salaysan yahay dhabar-adaygaaga iyo u sabrida dhib kasta oo kaa hor istaagta inaad yoolkaaga gaadho.
  • NOQO MID KU MASHQUULSAN HADAFKIISA. Waa inaad noqoto mid hadafkiisa ka fikiraya maalinkasta iyo wakhti kasta. Waxaanad taa ku gaadhi kartaa inaad dhigto ama aad ku qorto ahdaaftaada meel aad maalinkasta ka arki karto. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato, is barbar-dhigtana waxa kuu qabsoomay ilaa hadda iyo ınta kaaga dhıman inaad gaadho si aad yoolkaaga u xaqiijisid.
  • DIYAARIN QORSHE AAD KU GAADHAYSO YOOLKAAGA. Waa inaad diyaariso qorshe balaadhan oo aad ku gaadhayso yoolkaaga. Waa inay qorshahaasi ku jiraan wakhtigaad yoolkan gaadhi lahayd, waxaad u baahan tahay si aad u gaadho hadafkan ,IWM.
  • MA JIRO WAKHTI LA MID AH IMIKA. Markaad doonayso inaad yoolkaaga gaadho waa inaad xiligan aad joogto aad ku dadaashaa samaynta waxkasta oo kaa caawinaya inaad xaqiijiso hadafkaaga. Ka faaidee wakhtiga aad hayso , iyo awoodahaaga imika , hana u dib dhigin yoolkaaga mustaqbalka.
  • ISĶA WARHAYN. Waa inaad si aad u gaadho hadafkaaga, aad naftaada balan kula gashaa inaadan is-dhiibaynin markay xaaladahu adkaadaan , ee uu dariiqii aad u maraysay yoolkaagu uu noqdo mid cakiran. Haddii aad ogtahay in aanad naftaaga dhiirigalin karayn markay xaaladuhu adkaadaan ,waxaad samaysan karta qof ku dhiirigaliya , kuna tusa faaidooyinka iyo dheefta ku jirta gaadhista hadafkaaga, si aanad u rajo-dhigin.
  • DIBU EEGISTA AHDAAFTAADA. Waa inaad yeelata wakhti u gaara qiimaynta ahdaaftaada. Waxaana wanaagsan markaad diyaariso qorshihii aad ku gaadhi lahayd hadafkaaga inaad samaysatana wakhti aad ku qiimayso. Si aad u ogaato inaad u dhawaatay xaqiijinta himilooyinkaagii kala duwanaa. Waxaanay dib-u eegistani noqon kartaa mid bille ah ,lixdii bilood hal mar, toddobaad kasta ,IWM.

 

Maqaalkan waxaan ka soo dheegtay: BRADLEY FOSTER.

 

Akhrisyaasha sharafta leh , waxaad si joogto ah aad maqaalkan iyo maqaalo kaleba kala socon kartaan mareegta aan ku leeyahay degelka MEDIUM iyo websiteyada ku baxa afka SOOMAALIGA.

AMA link-gaN

https://medium.com/@Kadim/toban-dariiqo-oo-aad-hadafkaaga-ku-gaadhi-kartid-1b927e4ee3a4

Advertisement

Ku Xayeysiiso