Dublin oo martigelinaysa shirkii ugu horreeyay ee mucaaradka Sucuudiga

Kulankii U horeeyey ee Mucaaridka Sucuudigu yeesho aya maanta oo Jimcaha lagu qabanaya Shirkoodii koowaad Dublin Ireland, waa markii ugu horreysay ee ay kulan isugu yimaadaan mucaaradku iyaga oo dalbanaya dib u habeyn sida ay qabanqaabiyayaashu sheegeen.

Shirkan ayaa dhacaya xili ay Sacuudi Carabiya ka socoto dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay qabqbasho xoogan oo loo geysanayo Culimo iyo Waxgarad kale waxaana looga hadlayaa ololaha xidhitaanka iyo siyaasadaha xaddidaya xorriyadda muwaadiniinta Saudi Arabia.

Shirku wuxuu sidoo kale lagaga dhawaaqaya Xarako Mucaarid ah kaas oo ujeedkiisu yahay in kor loogu qaado dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed.

Ka qaybgalayaasha waxa ka mid ah Dr. Madawi Al-Rasheed iyo Xubin u dhaqdhaqaada Xuquuqda Aadanaha Yahya Al-Asiri, iyo sidoo kale tiro ka mid ah xildhibaannada Irish oo difaacaya xorriyadda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso