Xisbiga Waddani Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah Ku Qaabilay Aqoonyahan Iyo Xildhibaano Ka Soo Jeeda Beelaha Maxamed Daa’uud (Ciidagale) Iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha Laga Jeediyey 

Hargeysa, (ToggaHerer) – Xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayo Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Xildhibaano, Wax-garad, Haween, dhallinyaro iyo taageerayaal baaxad leh oo ka soo jeeda beelaha Maxamed Daa’uud/Guuyoobe/Ciidagale oo uu hoggaaminaayey Xildhibbaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland isla mar ahaantaana dhamaantoodba ka soo guuray Xisbiga KULMIYE.

Munaasibadan oo maanta ka qabsoontay Hoolka shirarka Xisbigaasi ee Maroodi-jeex oo ku yaala magaalada Hargeysa, ayaa waxa buux dhaafiyey Siyaasiyiintan, Wax-garadkan iyo taageerayaashan baaxadda weyn ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI, kuwaas oo dhammaantood cod dheer ku sheegay in ay ku mideysan yihiin Xisbiga WADDANI oo ay tilmaameen in ay u arkaan in uu yahay xisbiga isbadalka iyo badbaadada Somaliland.

Ugu horayn Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo halkaasi hadal qiimo leh oo uu ku hoga tusaaleeyey xaalada dalku uu ku sugan yahay ka jeediyey ayaa waxa uu yidhi “Waxa bari jirtay nin la yidhaahdo Cunaaye alle ha u nxariistee ayaa riwaayad dhigay, wuxuu yidhi riwaayada magaceeda waxa la yidhaahdaa (Waykan), kolkaasaa lacagtii uu urursaday urursaday markaasuu isa soo taagay masrixii oo uu yidhi Waykan, hadana wuu noqday holkaasuu intuu macawistii iska saaray oo uu dhar yaroo kale soo xidhay ayuu hadana yidhi Waykan, hadana wuu noqday oo dharkiisii ayuu dib usoo gashaday markaasuu yidhi Waykan, markaasuu yidhi hadaad riwaayadii jecelaysateen habeen dambena waa la idiinku celinayaa.

Kulmiye wuxuu yidhi aniga sicir bararka keenay oo waxba ka qaban maayo, qabyaaladana wax ka qaban maayo, musuqmaasuqa iyo dhul boobkana waxba ka qaban maayo, miyeynu nidhaahnaa waanu jeclaysanee noogu celi.

Todobada Sanadood ayuu Kulmiye joogay shan sanadood oo aynu waxaas ku jirnay miyeynu usii adkaysan karnaa? Maya, waxaan ahay oday golaha guurtida ku jira, waxaan ahay nin dalka u dhaartay oo lexejeclo ka qaba, waxaan leeyahay looma sii adkaysan karo maanta heerka uu waddanka marinayo Kulmiye.

Waxaanu u baahanahay wax naga saara qabyaalada, sicir bararka, waad ogtihiin reerka labaatanka iyo sodonka shilling suuqa la gali jiray ee jiidhka yar soo iibsan jiray, maraq digaag bay boqolkiiba sideetan ay ku darsadaan Somaliland, ma soo iibsan karaan tantoobadaa intaa leeg oo jiidh ah ma soo iibsan karaan dadkii. Waxaan leeyahay dalku heerka uu marayo xisbigii ka soo celin lahaa ee ka soo waabin lahaa waa kan (Waddani).” Ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Sidoo kale Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Marka koowaad waxaan bogaadinayaa mahadnaq balaadhana usoo jeedinayaa beelwaynta maanta halkna aynu xaflada ugu qabanay oo sida la sheegay aan ahayn beel ku cusub xisbga Waddani. Beesha Maxamed Daa’uud oo aniga awoow ii ah, oo awoow ii ah ilaa labaatan jeer, waxaan ku faraxsanahay iyaga oo aan cidi ka maqnayn haday tahay Salaadiin haday tahay cuqaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Hablihii iyo Dhalinyaradii waxay muujiyeen cududoodii.

Sida la idiin sheegay waxay ahayd xafladii ugu balaadhnayd ee lagu qabtay madashana, inta hoolka ku jirta iyo inta ay qaadi wayday ee dibada taagan ee milicda taagan ee na sugaysay, waaanu u wada mahadnaqaynaa oo waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin.

Shaki kuma jiro inaad muujiseen cududiina, beel balaadhan weeyi oo degta gobolo farabadan oo Maroodi-jeex, Togdheer iyo Daadmadheedh, waxaanad muujiseen cududa iyo baaxada oo waliba waxaad ku muujiseen midnimo, Illaahaybaa mahadaa leh.

Xildhibaan Dheeg wuxuu sheegay wax kasta oo beeshan dhex yaalay, haday gidaar ahayd iyo haday asxaab ay ku kala jiraan ahayd ay maanta baaba’day kuna midaysan yihiin bari iyo galbeedba in Beesha Maxamed Daa’uud ku midaysan tahay Xisbiga Waddani hadii illaahay ka dhigo.” Ayuu yidhi Murashax Cabdiraxmaan Ciro.

Geesta kale waxa isaguna madashaasi ka hadlay Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Maalmahan iyo todobaadadan oo dhan waxaanu soo maraynay gobolada Galbeedka iyo Bariga Somaliland, waxay xantu ahayd dhexdhexaadka oo gobolka Maroodi-jeex ah iyo Gabiley in wali go’aankoodu aanu cadayn balse markii aanu laba maalmood ka hor aanu soo marnay Gabiley iyo Wajaale waxay muujiyeen dareen kii hore ka duwan oo u taagan isbadal doonka laakiin waxa maanta iyaguna qiimo iyo bogaadin mudan Beelaha Maxamed Daa’uud oo muujiyey dareen dhab ah, odhan maayo waad ku soo biirteen waxaan odhanayaa markii horeba xisbiga waad agjoogteene waad ku soo ruqaansateen.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Waddani Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso