Gudaha Ka Eeg : Danmark oo Xidhay  Nin Daacish ku Qalabaynaayay Qalab Casri ah!!!

Maxkamad ku taal Kobanheegan ayaa amartay in la xidho muddo 25 maalmood  Nin  lagu qaaday sharciga la dagaallanka argagixisada, nin kan oo isku dayay in uu diro Diyaarada-ha Drone ka loo yaqaan , Qalabka diyaaradahaas iyo Kamarado  Syria iyo Ciraaq.

 

 

Booliska ayaa sheegay in ninka oo 28-jir ah loo xidhay “shaki xoogan” oo ku lug lahaa dhaqdhaqaaqyada argagixisada dibadda isagoo iibsanaya qalabka isaga oo sii marinaya Dalka Turkiga.

 

Haweeney 29-jir ah oo la qabtay Khamiistii ayaa la sii daayay iyada, Ma cadda in haweeneydu ay ku jirtay kuwa laga shakisan yahay.

 

Bilayska ayaa sheegay in ay raadinayaan in ay soo xidhaan nin 31-jir ah oo la aaminsan yahay in uu ku sugan yahay Turkey iyada oo loo marayo amar maxkamad caalami ah oo la soo saaray Jimcihii iyada oo laga shakisan yahay in uu qalabku ku socday.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso