Gudaha Ka Eeg :Ururka Barkhadle Oo Hargaysa Ku Casuumay Wasiiru Dawlaha Cusub Ee Wasaaradda Biyaha Somaliland .

Ururka Dhalinyarada Barkhadle Ee ka dhisan Dalka Somaliland ayaa maanta hadhimo-sharafeed magaalada Hargaysa ugu sameeyay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Biyaha Mudane C.qaadir Maxamuud Sheekh Dhago-wayne .

Waxaana ujeedada hadhimo-sharafeedkan ay daarnayd, mid uu ururku ku dhiirigalinayay, isla markanaa ku bogaadinayay xilkaas loo magacaabay .

Waxaanay Dhalinyaradani ay wasiirka ku dardaaray in uu wax-qabad uu sameeyo Deegaankiisa, iyaguna ay kala shaqayn doonaan horumarka Deegaanka .

Wasiiru Dawlaha Biyaha C.qaadir Dhago-wayne ayaa Ururka Dhalinyarada Barkhadle uga mahad-naqay Casuumadda ay u fidiyeen, waxaanu u sheegay in aanu waxba ka hagran-doonin Deegaankiisa .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso