Gudaha Ka Eeg :Jaamacadda Hargeysa oo Sannadkan Maamuuskii u Sarreeyey Ugu Aqoonsatay Dahabshiil Group Waxtarkiisa

Maamulka Sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa sannadkan u aqoonsaday shirkadaha Dahabshiil Group inay ahaayeen kuwii waxtarka u ballaadhan  iyo gacanta u weyn ka geystey dib-u-dhisidda iyo bilidda Jaamacadda sannadka 2017.

 

Professor Maxamuud Yuusuf Muuse, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ee xilligan, oo ka hadlayey munaasabad ay ku qalinjebinayeen in ka badan 1000 arday, oo ah dafcaddii 14aad ee Jaamacadda ka qali jebisa ilaa sannadkii 2000 oo la aasaasay, ayaa ka hor qiray madasha inaan sannadkan cidi kula tartami Karin waxqabadka iyo gacanta Dahabshiil Group taartay Jaamacadda.

 

“Waxa aannu ammaanta ugu xoogga weyn leh siinaynaa sannadkan Dahabshiil Group,” ayuu yidhi Dr. Maxamuud Yuusuf. “Markaa sannadkan koobkii Dahabshiil Group ayaa qaatay”.

 

Halkaas ayaana, gunaanadkii xafladda,  uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamuud “Siilaanyo”, ku guddoonsiiyey Shirkadaha Dahabshiil Group abaalmarintii Jaamicaddu ku maamuustay.

 

Waxa isaguna dhankiisa madasha ka hambalyeeyey, isaga oo ku hadlaya magaca maamulka, hawlwadeennada iyo wakiillada Dahabshiil Group, Maamulaha Guud ee Isgaadhsiinta casriga ah ee SOMTEL, mudane Xasan Shiikh Maxamuud Suufi.

 

Waxa uu mudane Xasan mar kale ka caddeeyey madasha inaan Dahabshiil Group marnaba kala hadhi doonin Jaamacadda Hargeysa iyo dhiggeedaba wax kasta oo suurtagal ah oo lagu kobcinayo ama kor loogu qaadayo adeegga iyo waxbarashada Jaamacaddu ku hoggaamiso da’yarta.

 

“Mar kale si kal iyo laab ah ayaan ugu hambalyaynayaa dafcadda qalinjebineysa, waxana aan idiin xaqiijinayaa in Jaamacadda iyo Dahabshiil Group xidhiidhkoodu inuu sii kobco mooyaane marna aannaan ka gaabin doonin wixii awoodi noo saamaxdo,” ayuu yidhi Maamulaha Guud ee Somtel.

 

Shirkadaha Dahabshiil Group, laga soo bilaabo sannadkii 2000, markii derbiga loo samaynayey, sannadihii hore ee ay curdinka ahayd, ilaa maanta oo 15 sannadood ka soo wareegtey, marnaba kalama masuugin Jaamacadda wixii waxtar ah ee duruuftu saamaxdo.

 

Waxa jira qoondo sannadle ah oo Dahabshiil si joogto ah u siiyo jaamacadda. Waxa jira fasallo, hoolal, qolal adeeg, qalab iyo goobaha ardaydu ku nastaan ama wax ku akhristaan oo shirkaduhu ku kaalmeeyeen Jaamacadda.

 

Waxa kale oo Dahabshiil Group u fududeeyaa maalgelin hadba waxa jaamacaddu uga baahato si ay u tayayso degelka waxbarasho oo ay maanta ku hirtaan, kuna harraad gooyaan kumanaan da’yar ah oo waxbarasho jaamacadeed u heensaystay.

 

Ugu dambayntii waxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu xadhigga ka jaray mid ka mid ah dhjismayaasha Dahabshiilo ku soo kordhiyey Jaamicadda.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso