Barzani  Oo Mar kale Xaqiijiyey in Aftida la Qabanayo Sheegayna in Go`aanku Hadda Ku Jiro Gacanta Shacabka

Madaxweynaha Kurdistan Massoud Barzani ayaa shaaca ka qaaday in aftid gooni isu-taagu ay dhacayso wakhtigii loogu talagalay oo ah Isniinta Soo Socota  .

Madaxweyne Barazani ayaa intaa ku daray in go’aanka Hadda gacanta ugu Jiro Shacabka.

Banaan Bax ka dhacay Galabnimadii jimcaha Erbil ayuu Barzani ka sheegay, “Waxaanu ugu yeedhaynaa Baqdaad  iyo beesha caalamka in ka dib markii 25 September (taariikhda aftida) isugu iman karno in aynu ka wada hadalno soohdimaha oo ka mid tahay goobaha lagu muransan yahay  saliidda, gaaska iyo biyaha iyo wax walba.”

In kasta oo ay jiraan cadaadis  caalami ah iyo kuwa gobolka Barzani ayaa sheegay “in aanu ka Noqonayn Aftida iyo in aanu ahayn mid Khiyaameeya Shacabkiisa,” isagoo intaa ku daray in go’aanka aftida inuu gacmiihiisa ka Baxay iyo Gacmaha Axsaabta Uuna ku jiro Gacmaha Dadweynaha.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso