Qaramada Midoobay Oo ku eedaysay 29 dal  oo ay ku jiraan Israa’iil, Iran, Sacuudi Carabiya Ku xadgudubka  xuquuqda aadanaha

Warbixinta sanadlaha ee siddeedaad ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha ayaa xaqiijiyay in 29 dal  oo ay ku jiraan Iran, Sacuudi Carabiya iyo Israel ay ciqaabaan muwaadiniinta la shaqeeya Qaramada Midoobay.

Andrew Gilmore oo ah madaxa guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa yidhi  “Waxaan ognahay kiisaska afduubka, xabisid, qabasho ama shaqsiyaadka aan la xidhiidhnay oo la waayay”.

Gilmore ayaa warbixinta u gudbiyay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay, kaasoo uu ku taxay 11 ka mid ah 47-ka xubnood ee Golaha .

Wadamada lagu sheegay warbixinta ayaa ah Shiinaha, India, Pakistan, Myanmar, Turkey iyo Venezuela.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso