Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo ku Jawaabay “Maya”!

Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa beeniyey Wararka sheegaya in uu uga digay  Saudi Arabia in ay tallaabo  milliteri ka Qaado Dalka  Qatar.

Trump ayaa ka  jawaabay su’aal la waydiiyey  intii uu wada joogeen Amiirka Qatar shalay iyada oo la waydiiyey  inuu uga digay Sacuudiga in uu tallaabo milateri ka qaado Qatar isagoo yidhi: Maya.

 

“Waxaan hadda ku jirnaa xaalad aan isku dayeyno inaan xallino dhibaatada Bariga Dhexe, waxaana u maleynayaa inaan xallin doonno, waxaana dareemayaa dareen xoog badan oo ah in ay xal u heli doono xalka si dhakhso ah,” ayuu madaxweyne  Mareykanka ku sheegay hadal uu ka yidhi dhibaatada Gacanka.

Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad al-Thani, ayaa dib u cusbooneysiiyay baaqii ahaa “wadahadal aan shuruud lahayn oo ku salaysan ixtiraam u dhaxeeya madax bannaani” si loo dhammeeyo khilaafka u dhexeeya dalkiisa iyo afarta xulafada.

 

Wargeyska Bloomberg ayaa ka soo xigatay labo ruux oo u dhaw  madaxweyne Donald Trump diidayna in magacooda sheegaan  ayaa yidhi in Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabtu ay ku fekerayaan in ay  Qadar Milatari ahaan u galaan Bilawgii  xiisadda, laakiin Trump ayaa uga digay.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso