Saddex xubnood oo ka tirsan Golaha Congress-ka Maraykanka oo la xidhay

Saddex xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Maraykanka kana Soo Baxay Xisbiga  Dimuqraadiga ayaa ay xidheen  bilayska Mareykanka iyaga oo ku eedeeyay  in ay ku kaceen dhaqan baal marsan sharciga  intii lagu jiray mudaharaad ka dhacay New York.

Xubnahan ka tirsan Congress-ka oo ka kala yimid Gobolada Illinois, Arizona iyo New York ayaa ka qeyb qaatay banaanbax ka dhacay Tower Trump si looga codsado Congress in uu  soo saaro sharci ilaalinaaya kumanaan dhalinyaro ajaanib ah oo laga tarxilayo  waddanka Mareykanka, sida lagu sheegay ABC News.

Xubnahan ka mid ah Congress-ka ayaa la fadhiistay dadka dibad baxayaasha ah dhulka wadada Fifth Avenue ee magaalada New York, iyagoo diiday inay ka tagaan meelahoodii, taasoo keentay in booliisku ay xidhaan, laakiin markii dambe la sii daayay kadib markii la xaqiijiyay aqoonsigooda.

 

Maamulka madaxweynaha Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka tago barnaamij uu aqbalay madaxweynihii hore Barack Obama, kaas oo ilaalinaya boqolaal kun oo dhalinyaro ah oo ajnabi ah, kuwaas oo tagay dalka Mareykanka iyaga oo caruur ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso