UNICEF iyo maamulka Puntland oo daah-furey ballaarinta dhuun biyaha lagu gaarsiinayo kumanaan qof

 

Boosaaso, Puntland, Soomaaliya, 18 Sebtembar 2017 – Iskaashi wada-hawlgal oo u dhexeeya UNICEF, maamulka Puntland iyo la-hawlgalayaal ayaa markii ugu horreysey dhuumo biyo wada gaarsiinaya kumanaan qof oo ku nool magaalada Boosaaso.

 

Waqtigan badi dadka ku nool Boosaaso – oo ah magaalo dekad weyn leh oo si degdeg ah u kobceysa oo ku taalla gobolka Bari ee waqooyiga-bari ee Puntland – waxaa ay biyahooda ka helaan ceelel aan gun dheereyn oo gacanta lagu qodey. Biyaha ayaa badanaa ah kuwo wasakheysan waxaana ay keeni karaan cudurrada biyaha ka dhasha ee loo dhinto sida daacuunka oo kale. Kuwa awooda, waxaa ay biyo tayo wanaagsan leh ay lacag badan kaga iibsadaan kuwa biyaha iibiya. Keliya 40 boqolkiiba dadweynaha ayaa ay gaaraan dhuumaha biyaha ee magaalada oo la sameeyey 20 sano ka hor.

 

 

Iyada oo ah iskaashi u dhexeeya ganacsi gaar loo leeyahay iyo maamulka dowladda, UNICEF; Hay’adda Dowladda Puntland u qaabilsan Biyaha, Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah/the Puntland Authority for Water, Energy and Natural Resources; iyo Golden Utilities Management Company (GUMCO) ayaa la dayactirey haanta biyaha ee magaalada oo la dhigeyna dhuun ka dheer 10,000 mitir si loo dayactiro nidaamka biyaha Boosaaso oo xaaladdiisu sii xumaaneysey. Nidaamka biyaha ee dhowaantan la dayactirey ayaa awood u leh in uu biyaha ku soo xiro dhammaan dadweynaha Boosaaso si ay u helaan biyo nadiif ah. Wixii loo gaaro dhammaadka 2017-ka, ilaa 9,000 qof oo deggan magaalada ayaa biyaha lagu soo xirayaa taas oo qayb ka ah wejiga koowaad ee mashruuca.

 

Wada-hawlgalayaasha ayaa sidoo kale mashruuca geynaya xerooyinka dadka gudaha ku barokacay. Ilaa 1200 qof oo ku nool Xerada Bari Boosaaso Camp ayaa durba la gaarsiiyey biyaha oo hadda biyo ka helaya dhuumaha biyaha, taasna waxaa looga mahadinayaa shaqadii lacagta aan lagu siinin ee uu qabatey sharikadda GUMCO.

 

“Tani waa tallaabo weyn oo horey loo qaadey oo lagu hubinayo in dadka ugu tiro badan ee suuragalka ah ay heli karaan biyo nadiif ah, gaar ahaan waqtigan oo ay jirto dhibaaco dhinaca biyaha ah oo ay sababtey abaarta,” ayaa uu yiri Wakiilka UNICEF Somalia Steven Lauwerier. “Biyuhu waa xuquuq aasaasi ah, waana in dhammaan carruurta iyo qoysaskodu ay si fudud u heli karaan. Waxaan sii wadi doonnaa in aan ku shaqeyno qaabka Iskaashiga Ganacsiga Gaarka Loo Leeyahay iyo Maamulka (PPP) si aan u hubinno in la bixiyo xuquuqda aasaasiga ah ee ilmo kasta, qoys kasta oo ku nool Boosaaso iyo degaannada kale ee Soomaaliya.”

 

Ku saabsan UNICEF

UNICEF waxaa ay dhiirrigelisaa xuquuqaha iyo wanaagga ilmo kasta, wax kasta oo aan sameyneyno. Annaga oo kaashaneyna la-hawlgalayaasheenna, ayaan waxaa ka shaqeynaa 190 dal iyo dhul si aan ballanqaadkeenna uga rogno tallaabo-qaad dhab ah, annaga oo diiradda saareyna dadaal gaar ah oo lagu gaarayo carruurta ugu nugul ee aan helin adeegga ay u baahan yihiin, si ay arrintaasi faa’iido ugu yeelato dhammaan carruurta, meel kasta oo ay joogaanba.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan UNICEF iyo hawsha ay u hayso carruurta ka eeg www.unicef.org/somalia

UNICEF Somalia kala soco Facebook iyo Twitter

Macluumaad dheeri ah, fadlan kala soo xiriir:

Susannah Price, UNICEF Somalia, +254 722 719867, sprice@unicef.org

Advertisement

Ku Xayeysiiso