Gudaha Ka Eeg :Dhalinyarada Beelaha Cabdi Ciise Iyo Bahihiisa Oo Xalay Muujiyay Taageerada Ay U Hayaan Xisbiga KULMIYE .

Xaflad  balaadhan oo si heer-sare ah loo agaasimay ayaa xalay ka qabsoontay Scandanivian Hotel Ee Hargaysa .

Waxaa ujeedada xafladdani ahayd sidii Dhalinyarada Cabdi Ciise iyo Bahihiisu u muujin lahaayeen Taageerada ay u hayaan Xisbiga KULMIYE .

Xafladan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Saraakiil sare oo ka tirsan Xisbiga, Masuuliyiin xilal ka hayya Xukuumadda iyo taageerayaal tiro-badan .

Waxaana halkaasi ka hadlay xubno ku hadlayay afka Dhalinyarada, waxaanay sheegeen in ay xisbiga u hayaan taageero iyo cudud la isku halayn-karo, isla markaana ay Xisbiga KULMIYE la barbar taaganyihin taageero mug iyo miisaan leh .

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Agaasimaha Wasaaradda Duulista Cumar C.laahi Aaadan, Waxanay sheegeen in sababtay beeshu u taageerayso XIsbiga KULMIYE tahay Dan, iyagoo sheegay in ay bal doorkan beeshu soo tijaabinayso Muxaafidnimada .

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Cabdi-Najax iyo Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Iid Dhimbiil oo halkaasi ka hadlay ayaa dhalinyarada ku bogaadiyay taageerada ay u muujiyeen Xisbiga KULMIYE, Waxaanay ugu baaqeen in ay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda .

Wasiiru Dawlaha Ganacsiga Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo gabogabadii halkaasi ka hadlay, ayaa bogaadiyay dhalinyarada, waxaanu ku baaqay in Beelaha Ciidagale doortaan Murashaxa ay abtiga u yihiin, sidoo kalena ka soo jeeda Hargaysa .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso