Geriyo Midabkoodu Cadaan Yahay oo Lagu Arkay Kenya!!!

Koox ka mid ah Ilaalada Duur Joogta Kenya  ayaa ay u suurta gashay in ay Fiidayaw ka duubaan Geri Midabkiisu yahay Cadaan  iyada oo la tilmaamay in ay tahay Dhif iyo Naadir  in la arko in la arko Geri Midabkiisu Yahay Cadaan waxana lagu arkay Deegaanka  waqooyi-bari  Kenya.

Geriyadan  ayaa ah Qaar  midabkoodu cadaan yahay..

Sida laga soo xigtay Hay’adda “UPI” ee Maraykanka ayaa sheegay in laga yaabo in uu ku dhacay gerigan  cudurka vitiligo, taas oo keenaysa qayb ka mid ah ama guud ahaan in uu lumo midabka maqaarka.

Gerigan caddaanka ah ayaa markii ugu horreysay lagu arkay 2016-ka Tansaaniya,Waxayna u muuqataa inuu hadda u soo guureen Kenya.

Warqabadka ToggaHerer

Daawo Geriyada Cad

Daawo Geriga Midabkiisa Caadiga ah ee Loo Yaqaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso