Wiil 11 jir ah oo ka shaqeynaya Aqalka Cad iyo Trump oo Kor-joogeynaayo!!!

Aqalka Cad ayaa waxaa lagu arkay Shaqaale  cusub oo ah kuwa gaagaabiya Cawska .

Madaxweyne Donald Trump ayaa u  rumeeyey Frank Giacchio oo ah Wiil  11 Sanno Jir Riyadiisii.

Ilmaha  yar ayaa warqad u diray madaxweynaha Maraykanka isagoo sheegay in uu jecel yahay Jarista cawska beeraha ee jardiinada, isla markaana uu lacag ku helo  isaga oo ka caawinaya deriskiisa Magaalada uu degan yahay ee  Folschurch ee Virginia.

Wiilkan ayaa weydiistay Donald Trump inuu cawska ka jaro beerta Guriga Cad , Madaxwaynuhu ma uusan  diidin  laakiin shakhsi ahaan wuu daawaday Frank  isaga oo si adag u shaqeynayay Iskana wata Qalbkiisa jarista Cawska.

Intaas Dabadeed Trump ayaa  wiilka ugu yeedhay Xafiiskiisa  isaga oo la  socda ayaanu booqday Aqalka Cad, kadibna Trump wuxuu ku daabacay sawiro Barta  Twitter-ka uu ku lee yahay  wuxuuna ku lifaaqay warqad Mahadnaqa ah.

Dhiniciisa Frank wuxuu u diray biilka Madaxweynaha Trump -kuna qoran tahay  $ 8  oo sida caadiga ah ku helo shaqadiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso