Dibadbaxyo ka socda Paris Oo ku baaqay beesha caalamka inay ilaaliyaan “Rohingya”

Boqollaal qof ayaa ku Mudaharaaday caasimadda Faransiiska ee Paris iyagoo dalbaday in beesha caalamku ay soo faragaliso ilaalinta Muslimiinta Rohingya iyaga oo ka soo horjeeda rabshadaha ka dhanka ah ee ka socda Myanmar.

Dibadbaxayaashu waxay Siteen Boodha ay ku Xardheen Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ee sidata Shahaadada Nabada in ay joojiso Xasuuqa ay geysanayaan ciidankeedu, iyagoo ugu yeedhay abaalmarinta Nobel ee ay sidato “xasuuq iyo nacayb.”

Intii lagu jiray mudaharaadkan saraakaalad ka tirsan Amnesty International Nina Walsh ayaa ku baaqday in Go`aan adag laga soo saaro Golaha Ammaanka laguna cambaareynayo rabshadaha iyo in ay tagaan Indho-indheyayaal Myanmar.

“Dhamaanteen waan ognahay in awooddeedu ay xaddidan tahay, Ciidanka ayaa awood u leh dalka, laakiin waxay qaadaysa mas’uuliyad weyn iyo waajibaad macquul ah iyo siyaasad ah si ay u muujiso Mawqifkeeda Waxa dhacaya una cambaareyo.”

Muslimiinta Rohingya ee ku nool gobolka Rakhine ee Myanmar aqlabiyada Dalkuna tahay Buddhist ayaa la kulmey cadaadis ,xasuuq iyo barakac baahsan gaar ahaan kadib markii ciidamada Myanmar ay ku dhawaaqeen ololihii Nadiifinta ee Arakan ka dib weerarkii kacdoonkii bishii Agoosto lagu qaaday xarumaha amniga iyo saldhig millatari.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso