Haweenaydii Ugu Da`da  Weynayd Caalamka Oo Geeriyootay!!!

Violet Mosse Brown oo Da`deedu ahayd 117 jir sanno laguna Sheegay haweeneydii ugu da’da weyn ee adduunka ku nool ayaa ku dhimatay Jamaica.

Geerideeda ayaa lagu dhawaaqay Maanta oo Sabti ah 16-kii Sebtember Waxaana ku Soo Qoray Barta Twitter-ka Andrew Hollins .

Waxaa loo aqoonsanaa muddo dheer Haweenayda ugu Da`da weyn meerahan ka dib geeridii Abriil 2017 Emma Moran ee Talyaaniga u dhalatay ahaana qofkii ugu dambeeyay ee sannad ka hor dhashay 1900.

Violet Mosse Brown waxay ku dhalatay Jamaica 10-kii Maarso, 1900-kii.

Sanadkii 2010 mar wareysi la yeeshay wargeys maxali ah waxay sheegtay in aanay cunin Hilibka Doofaarka iyo Digaaga Sidoo kalena aanay Cabin Khamriga.

Mar ay ka hadlaysay Cuntada ay Jeceshay waxay tidhi “Waxaan jecelahay  kalluunka iyo beerka mararka qaarkoodna waxaan  jecelahay  in aan cunno Mijaha lo’da,” Sidaana waxay u sheegtay Wargeyska Jamaica Observer.

Waxay Sheegtay in ay Daa`into ilaalisano Cibaadadeeda Diimeed, Taas oo u sahashay in ay Khaaliqa Rumeysnaato, waxayna sheegtay in Iimaankeeda xooggan uu Gacan ka  geystay sidii ay Noolaan lahayd mudadaa Dheer.

Waxayna intaa ku dartay in aysan waligeed malaysan in ay noolaan doonto 110 sano, Waxay sheegtay in aanay dareensanayn in hadda in ay jirto ama tahay 110 sanno jir.

 

Bishii Luulyo 26, 2017, waxay ku jirtay kaalinta shanaad liiska Dadka ugu da’da weyn taariikhda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso