Barzani: Uma oggolaan doonno Reer Galbeedka in ay fikirkooda Noogu yeedhiyaan  Aftida

Madaxwaynaha gobolka Kurdistan Ciraaq Madaxweyne Barzani “kama aqbali doono saraakisha  reer galbeedka Inay nagu Amraan fikradooda  ku saabsan aftida Kurdistan.“

Barzani ayaa maanta ka sheegay Banaan bax lagu Qabtay magaalada Dohuk ee waqooyiga Ciraaq, “Aftidu Waa Dariiq  ee Maaha Yool   waxaanu nidhi haddii u  jiro bedel wanaagsan Soo dhawaada, laakiin wakhti laga hadlo Bedel Waa tagay , ka dib aftida waxaan diyaar u nahay in aan qabanno Kulamo culus,waxaanu ku dhawaaqnay in Kurdidu ay u jihaysteen Xagaa iyo “Haa Madax-bannaanida Kurdistan.”

Waxa uu  mahad celiyay Baarlamaanka Kurdistan ee Ogolaaday in la Qabto aftida 25-ka September, isaga oo sheegay in ay jiraan laba fursadood oo horyaala Shacabka Kurdida Cadaadis ama Madax-bannaani.

 

Waxa uu sharxay in “go’aamada Baarlamaanka Ciraaq ka soo baxa laga bilaabo hadda ma khuseeyn doono gobolka Kurdistan,” isaga oo sheegay in baarlamaanku uu noqday qalab gacanta ugu jira oo ka tirsan koox Chauvinists  iyo mad-habo”

 

Barzani ayaa ku celceliyay in aftida la qaban doono waqtigii loogu talagalay waxaanu ugu yeedhay muwaadiniinta in ay tagaan Goobaha Sanaaduuqda , isaga oo intaa ku daray in “Mabda’a Federaalnimada iyo Wax Wada Lahaansha  uusan ka jirin Baqdaad, Shacbigeenuna waxay yidhaahdeen Waxaynu Aadayna Xaga Aftida iyo Sanaadiiqda”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso