Gudaha Ka Eeg : Barzani: Baarlamaanka Ciraaq ma awoodo in uu Joojiyo rabitaanka Shacabka Kurdiyiinta

Madaxwaynaha gobolka Kurdistan Massoud Barzani ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in ay ka go`an tahay aftida 25 bishan isaga oo ka soo horjeedsaday go’aanka Baarlamaanka Ciraaq , Golaha Wakiilada Ciraaq ayaa hore u diiday codbixinta.

Intii ay Socotay Dabaal dega taageerada aftida ee degmada Caqra Ayuu Yidhi Barzani “Qof kasta oo doonaya in uu tijaabiyo rabitaanka shacabka Kurdiyiintu ha soo dhawaado“.

Isaga oo sii Wata Hadalkiisa Madaxweyne Barasaani Wuuu Yidhi “Baarlamaanka Ciraaq awood uma laha uu ku Jabiyo kuna Joojiyo rabitaanka Shacabka Kurdiyiinta.”

Barzani ayaa yidhi: “Go’aanka aftidu waa go’aanka dhammaan Asxaabta Kurdida, way fashilmeen dhammaan isku daygeena Ciraaq saraakiisha Ciraaq ha is weydiiyaan sababta ay u fashilmeen isku daygii Wax Wada lahaanshaha iyo shuraakada .”

“Waxaan sugeynay madax-bannaanida mudo 100 sanno ah laakiin haddii ay heystaan beddel aftida ah oo gaadhaya dhammaan himilooyinka aan dooneyno waan aqbali lahayn,” ayuu yidhi.

“Aftida ka dib, waxaan furi doonaa albaabada wadahadalka (oo ah Baghdad) waxaananu ka wada hadli doona mowduucyo badan,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in “dadka Kurdidu aanay aqbalin doonin doonista xildhibaannada Ciraaq, waana in ay marka hore Naftooda eersadaan,” ayuu yidhi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso