Daawo: Xafiiska Adeega Shacabka iyo Hurumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Oo Qalab Casri ah u Kala diray Gobolada iyo Demooyinka Deegaanka

Jigjiga,(Togaherer) Xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa maanta u daabulay agabka adeega aaladaha casriga ee xafiisyada qaarka mid ah degmooyinka iyo maamul magaalooyinka deegaanka.

Agabkan oo maanta laga Raray xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI ayaa waxaa goobtii laga Rarayay agabkan kula hadlay warbaahinta deegaanka wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Axmed Maxamed Koore oo sheegay in xafiisku dadaal xoogan ugu jiro sidii dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka loo gaadhsiin lahaa agabka adeega aaladaha casriga ah kaasi oo sahlaya awooda fulineed ee geedi socodka shaqada iyo kaydinta xogaha. Wasiirka ayaa sheegay in agabkan maanta la rarayo oo la gaadhsiinayo maamulada magaalooyink ay ka mid yihin maamulka magaalada dhagaxbuur, qabridahar iyo degmooyinka jarati iyo doolo cadaw wasiirka ayaa sheegay in agabkan aaladaha casriga ah loogu talagalay in ururada dhalinyarada, haweenka iyo ururada xoolo dhaqatada ah ee shaqo abuurka loo samaynayo.


Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka isgaadhsiinta iyo xogaha casriga ah (ICT) ee xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane Cabdiqaadir Caaqil Colaad (Qurux) ayaa ka warbixiyay noocyada qalabkan maanta la rarayo iyo faa’iidooyinka uu leeyahay isaga oo sheegay in uu agabkani ka kooban yahay dhamaan noocyada aaladaha casriga ah sida computerro, photo copyo, iskaanaro, kuraas iyo miisas kuwaasi oo loogu talagalay in ay ururada dhalinyarada, ururada haweenka iyo ururada xoolo dhaqatadu ku shaqaystaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso