Gudaha Ka Eeg : Barzani : Aftida ku saabsan Madaxbannaanida Kurdistan Ciraaq Wakhtigii Loogu Talagalay ayay Dhacaysa

Madaxweynaha Kurdistan-ta Ciraaq Massoud Barzani ayaa ballan-qaaday in uu horay u sii wadi doono aftida ku aadan madax-bannaanida Kurdistan Aftida na Qaban Doono 25-kii September, inkastoo uu ka codeeyay baarlamaanka Ciraaq.

Golaha Wakiilada Ciraaq ayaa Salaasadii Diiday  aftida ku saabsan madaxbannaanida gobolka Kurdistan, Fadhigaas oo ay ka baxeen  xildhibaannada ka soo jeeda Kurdiga.

Afhayeenka Baarlamaanka Ciraaq Salim Jubouri  ayaa sheegay in go’aanka Baarlamaanka uu ka turjumayo “ujeedada Golaha Wakiilada ee ku saabsan midnimada Ciraaq dhul iyo shacab ba ,” ayuu ku nuuxnuuxsaday “waajibka Ra’iisul wasaaraha waa in uu qaado dhammaan tallaabooyinka lagu ilaalinaayo midnimada Ciraaq  bilaabana  wada hadal culus si wax looga qabto arrimaha ka dhex taagan Ciraaq iyo gobolka.”

Warqabadka ToggaHerer

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso