Gudaha Ka Eeg :Beeelaha Cabdi Ciise Iyo Bahihiisa Oo Taageero Mug Iyo Miisaan Leh U Muujiyay Murashaxa Madaxweyne Ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi + Sawiro

Beelaha Cabdi Ciise iyo bahihiisa ee (Ciidagale), ayaa maanta kulan qado ah isugu yimid hotel Gacale ee Hargaysa .

Casuumadda qadada ah ayaa waxaa fidiyay Wasiirka Xanaanada Xoolaha C.laahi Maxamed Daahir Cukuse, Waxaana ujeedadeedu daarnayd, sidii loo muujin lahaa taageerrada laxaad-ka leh ee ay Beelaha Cabdi Ciise u hayaan Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi .

Waxaana madashan ku sugnaa, Madax-dhaqameed, Odayaal, Dhalinyaro, Aqoonyahan,Waxgarad, Siyaasiyiin, Masuuliyiin Xilal ka haya Xukuumadda oo ay ka mid ahaayee Wasiir Cukuse iyo Maamulaha Madaarka Hargaysa iyo masuuliyiin kale .

Waxaana halkaasi ka hadlay Garaad Mustafe Maxamed Cumar Iyo Siyaas C/laahi Ismaaciil Cabdi, waxaanay sheegeen in Beeshu isku raacday in ay taageero mug leh la barbar istaagto Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muj Muuse Biixi Cabdi .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay xubno isugu jiray odayaal iyo waxgarad kale, waxaanay dhamaantood si isku mid ah u sheegeen in ay taageersanyihiin Murashaxa Muuse Biixi Cabdi, isla markaana ay hiil iyo hooba ay la barbar taaganyihiin Xisbiga KULMIYE iyo Murashaxeeda Muj Muuse Biixi Cabdi .

Wasiirka Xanaanada Xoolaha C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo gabogabadii halkaasi ka hadlay, ayaa uga mahad-naqay Madax Dhaqameedka iyo Waxgaradka Beelaha Cabdi Ciise, sida ay u soo ajiibeen Casuumadda uu u fidiyay, Waxaanu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Beeshiisa oo isku duubani ay maanta cududooda muujiyaan iyo sida ay u taageersanyihiin Murashaxa Muuse Biixi Cabdi .

Sidoo kale Waxaa uu carrabka ku adkeeyay sida ay beesha uu ka soo jeeda ay taageeradeeda ula barbar taagantahay Murashax Muuse Bixii Cabdi .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso