Gudaha Ka Eeg : Askari loo Xidhay In uu Dili Doono Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka !!!

Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Pennsylvania ayaa la xidhay ka dib markii uu soo saaray hanjabaadyo ka dhan ah Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka Michael Pence.

 

Robert Dunbar oo 22 jir ah kuna nool magaalada koonfureed ee Berlin ayaa La amray in lala socdo Dhaqdhaaqiisa  kadib markii lagu eedeeyay inuu ku hanjabay argagixisanimo.

“Haddii qof uu i siiyo lacag igu filan waxaan dilayaa madaxweyne kuxigeenka,” ayuu yidhi Dunbar isaga oo jooga xarunta tababarka Qaranka ee xarunta Johnstown.

Saaxiibadiisa  ayaa ka soo wariyey una gudbiyey Madaxda iyo Hogaanka Ciidanka  kadibna waa la xidhay Sida la sheegay , markhaatiyaasha hanjabaadan ayaa sheegay in askarigan ay ka soo yeedhay ugu yaraan laba jeer.

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Michael Penns ayaa booqday Pennsylvania Isniintii, halkaas oo uu ka soo qayb galay Magaalada Shanksville oo u dhow Johnstown xaflad lagu xusayay  dhibbanayaashii 11-kii September ee weerarrada argagixisada.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso