Riyadii aan ictiraafkeena ku dhex arkay Mohamed abdriahmaan ( dhumiye )

Riyadii aan ictiraafkeena ku dhex arkay

habeen axada oo ay bishu ahayd 27 June 2016 , waxa uu ahaa habeen iigaga duwan habeenadii kale ee aynu soo dhaafnay, waayo wuxuu ahaa habeen aan Ku riyooday himilada in badan bulushada reer Somaliland ay Ku hamiyaan .

Goortan aan riyada Ku dhex jiray waxaan Ku sugnaa carliga america , manaan joogin carligaa , wax igeeyay se garanmaayo , waxaan sidoo kale Ku sugnaa jawi aad u macaan jawi in badan oo naga midi ilmadu farxad iyo qiiro daradeed uga daadanaysay ,
Abaaro toddobadii subaxnimo ayay saacada itoosin jirtay itoosisay anigoo Ku riyoonaya america oo ina ictiraaftay oo calankeena aanu ka dhex taagnay .

Hadaba suaashu waxay tahay , saddexdan xisbi ee tartamaya keeba Inoo rumayn kara oo ina gaadhsiin kara riyadaydaa .

Aan Ku horeeyo xisbiga kulmiye

Waa xisbi muddo soo hayay xukunka dalka , waa xisbi horumar lataaban karo u horseeday dalkeena , horumarkaasi habayaradee .
sidoo kale waa xisbi kala fogeeyay bulushadii reer Somaliland , kaasoo sabab u ah magacyada khaatumo state , awdal state oo ay samaysteen deegaano wax ka tirsanaya dawlada , sidaa daradeed waa xili is bedel loo baahan yahay ayagoo La isku soo dhawaynayo deegaanadaa sii kala foganaya ee wax kala tirsanaya

Xisbiga wadani ayay noqotay , waa xisbi curdina , waa xisbi Ku cusub saaxada siyaasada , kuna jiraan siyaasiin ruug cadaayi , waa xisbi aanay wali cidi fahmin ahdaafta ama himiladuu hiigsanayo , laakiin in badan oo inaga midi shaki aada ka qabaan inuu wato ololaha midnimada somaliyeed , taasoo aynu horeba Ugu hungawnay , sidaa daradeed inaan lagu dagdegin ayay ilatahay oo lafahmo horta ahdaafta uu wato iyo wuxuu hiigsanayo si aan hadhaw farta dhexda looga qaniinin.

Xisbiga ucid u kaalay , waa xisbi in badan soo tartamayay oo dhawr jeer Ku guuldaraystay tartankii , waa xisbi ay yartahay in rajo xumi lagala kulmaa wanaag iyo horumar mooyee , sidaa daradeed bal doorkan aynu doorano waa intaasoo uu riyadaydaa inoo dhabeeyaa

Allaa mahad leh

Mohamed abdriahmaan ( dhumiye )

Advertisement

Ku Xayeysiiso