Maraykanka Oo Ogolaaday In Uu Hub Ka Iibiyo Bahrain Qiimihiisu yahay $ 3.8 Bilyan

 

Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka (Pentagon) ayaa Sheegtay In Wasaarada Khaarajigu ay oggolaatay in hub laga iibiyo Dalka Baxrayn Qiimihiisuna dhan yahay $ 3.8 bilyan oo ay ku jiraan Diyaaradaha F-16, Sawaariikh , laba doonyood iyo Casriyeyn Diyaarado.

Pentagon ayaa ku dhawaaqay fiidnimadii Jimcaha in iibka la soo jeediyay uu ka mid yahay 19 Diyaaradood oo ah Nooca F-16s  oo ah Nooca Lockheed Martin  qiimihiisuna yahay $ 2,7 bilyan.

 

Waxa kale oo ka mid ah laba doonyood  oo lagu qalabeeyay Madaafiic iyo Saaruukh 221 ee Burburiya Tawaangida oo ay soo saartay Shirkadda Raytheon, iyo Dib habaynta iyo Casriyeynta kor loogu qaadayo Diyaaradaha hadda ee F-16 ee ay haysato Baxrayn $ 1.8 bilyan .

Senator Bob Crocker, guddoomiyaha guddiga xidhiidhka dibada ee Senate-ka, ayaa ku dhawaaqay joojinta hubka iibinta ee Bahrain inta laga xalinayo khilaafka Qadar.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso