Gudoomiyaha Qori-lugud Ee Xisbiga Waddani Oo Ku Eedeeyey Wefti Ka Socda Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye Inay Bulshada Deegaankaasi Kala Dhex Dhigeen Naxli Iyo Kala Shaki

Qori-lugud, (ToggaHerer) – Gudoomiyaha degmada Qori-lugud ee Xisbiga Waddani, Dayr Maxamed Xiinwaal ayaa ku eedeeyey wefti ka socda Xukuumada Iyo Xisbul xaakimka Kulmiye oo ka soo jeeda deegaanka Qori-lugud inay bulshadii Deegaankaasi kala dhex dhigeen naxli iyo kala shaki kadib markii ay gaar gaar ula kala shireen jifooyinka halkaasi wada dega.

Dayr Maxamed Xiinwaal, gudoomiyaha xisbiga Waddani ee degmada Qori-lugud ayaa sidaasi u sheegay mar uu u waramay qaar ka mid ah warbaahinta, waxaanu yidhi “Wafti kasocda xukumada iyo xisbul xaakimka Kulmiye oo uu hogaaminayo Wasiiru dawlaha xananada xoolaha C/rashiid Riyoraac oo ay la socdaan hanti-dhawraha guud Siciid Saleebaan Mire iyo Agaasimaha Wasaarada Biyaha C/risaaq Naakhuude iyo gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee gobalka Togdheer Xasan Mataan ayaa noogu yimi dagmadan Qorilugud. Xubnahan oo dhamaantood kasoojeeda isla deegankan ayaa fadqalale iyo kala faquuq kabilaabay degmada  waxay la kala shireen jifooyinkii reeraha waxay taasi keentay inay dadkii isku midka ahaa shaki iyo naxli kala galiyaan waxay isku dhacyadii halkan ka dhacay sababeen in riigii biyaha Coodanle albaabada u xidhmeen,  waxa isna la xidhay gaadhigii degmadu lahayd oo isna hada ka hor lagu keenay hinaase kadib markii xisbiga Waddani dagmada Qorilugud u balan qaaday gaadhi iskaroga ah, kaasoo ay qaab hinaasa u keenan reer Kulmiye ayaa hada ku xidhan Isteeshinka magaalada.” Ayuu yidhi Dayr Maxamed, Gudoomiyaha degmada Qori-lugud ee xisbiga Waddani.

Advertisement

Ku Xayeysiiso