Mas’uul ka tarsin xisbiga kulmiye oo amar ku siiyay guddi hoos tagto inay iska fogeyaan dadka xoolalayda ah

Mas’uul ka tarsin xisbiga kulmiye oo amar ku siiyay guddi hoos tagto inay iska fogeyaan dadka xoolalayda ah.

mohamed osman

 

Waxaa maalmihii u danbeeyay shacabka ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland ay hadal hayeen hadalka kazoo yeedhay mas’uulkaasi oo ah in dadka xoola layda ah ay yihin qaar aan codkooda lagu xisaabtami Karin.

Balse kuwa saxda ah ee lagu xisaabtami karo codkoodu ay yihin kuwa beeralayda ah. 

Dadka intooda badana uu ku sheegay inay yihiin dad beeralay ah.

.

Hadaba waxayna ka warhaynaa dalkan jamhuuriyada Somaliland shacabka ku dhaqan inay soo wajahday abaar baaxad wayn, abaartaasi waxay si xun ugu dhacday dadka xoola layda ah, dadkaasina waxaa lagu qiyasaa inay yihin 60% shacabka ku dhaqan jamhuuriyada Somaliland.

Waxaynu ogsoonahay madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland inuu ku dhawaaqay barnaamij la magic baxay xoolee,  una beer walaalkagan jilicsan., 

barnaamijkaasi waxa loo saaray guddi culumo ah gudoomiyena uu u yahay masharaxa madaxwayne ku xigeen ahna madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada somaliland.

Muddo kadib markii dhaqaalaha lasoo ururiyay, gudoomiyii guddida inta uu isagu yeedhay culumadii hawshaa kala shaqaynaysay ayuu waxuu amar ku siiyay in dadka beera layda ah awooda ugu badan la saaro kuwa xoola layda ahna doorashada kadib markay xisbiga siyaan codka la xooleeyo. 

Fajacsanaan kadib guddidii culumada ahayd arinkaa way u hogaan sameen.

Arinkaasi waxuu dhabar jab wayn ku yahay xisbiga kulmiye,,

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan is waydinayaa mas’uulkaasi miyuusan raja ka lahayn masiirka xisbiga kulmiye iyo doorashada isaga la dooranayo.

Ka madaxwayne mustaqbal ahaan dadka xoola layda ah waxay go’aan cad ka qaadanayaan waqtiyada soo socda cida ay codkooda siinayaan, 

Inagoo ogsoon dad badan oo xoola lay ah inay magaalooyinka hareeraheeda wadhan yihin ilaa hadana wax la gaarsiyay oo ka socda xisbiga kulmiye iyo xukuumadana aysan jirin, 

waxaana uga daran hanjabaadaha kazoo yeedhaya mas’uuliyinta ay magalooyinka ay xukumaan hareero degan yihin.

DADOOW TASHTA.

Musharaxa xisbiga kulmiyana waxaan leeyahay ka madaxwayne mustaqbal ahaan dhaliilaha wiiqi kara masiirkaga iyo tan xisbiga wax ka qabo 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso