Safiirkii Israel ayaa ku laabtay Qaahira ka dib markii 9 bilood ka Maqnaa Masar

Ka dib markii uu maqnaa sagaal bilood Safiirkii Israa’iil u fadhiyay Cairo David Gopherin ayaa ku noqday caasimadda Masar Arbacadii si uu u guto waajibaadkiisa.

Raadiyaha Israel ayaa ka soo xigtay ilo xog ogaal ah oo sheegaya in diyaarad siday ay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Qaahira Arbacadii , iyada oo intaas ku dartay in shaqaalaha safaarada ay sidoo kale ku laabteen caasimadda Masar si ay u qabtaan howlaha diblomaasiyadeed iyo qunsuliyadaha.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Gopherin uu ku soo laabtay gurigiisa Khamiistii.

Tel Aviv ayaa dib u soo celisay danjirihii hore December sababo ammaan dartood, warbaahinta Israel ayaa bishii hore soo warisay in labada dhinac ay isku raaceen qorshe cusub oo amniga ah oo u oggolaanaya safaaradda dib loo furayo.

 

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso