Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka Jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska

Warsaaxafadeed ka soo baxay odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland Ingiriiska

 kuna saabsan caqlicelin siyaasiinta arrinta fadeexadda leh ee ay caadaysteen.

Umadda muslimiinta wuxuu ilaahay uga digay in ay walaalkood erayo anshaxa ka baxsan ku yidhaahdaan iyaga ula badheedhaya.

Sihaantaas waxaa ay siyaasiinta qaarkood caadaysteen saddexda Xusbi qaran ee dalka ka jira kolba mid ku biiraya kii ay hore uga tirsanaayeenna hadallo anshaxa ka baxsan ku tiraabaya hadalka addoonka afkiisa ka soo baxaya waxaa wanaagsan in uu  hubsado ee aan walaakiisa aanay meel kala tegayn ku habboonayn taas oo ah mid shakhsinnimada iyo sharafta addoonka qiima dhac ugu filan

Ilaahay waxaa uu ballan qaaday ceebta aad walaalka la doonayso in uu ciddii ay ka soo baxday dib loogu celinayo.

Talo soo jeedin

In laga waantoobo dhaliilaha sidabajoogga ah.In ay xusbiyadu bulshada u sheegaan waxa ay dalka u qabanyaan haddii ay ummadu doorato kana dheeraadaan dhallilaha wax ka sheegidda xusbiyada kale ay tartamayaan.Waxaad arkaysaa massuul dawladda ka tirsanaa oo marka shaqada loo garan waayo si kastaba haw dhacdee af lagaaddo dawladdii uu ka tirsanaaya ku dhalliilaya markiisii hore maxaa ka hortaagna in uu bulshada u iftiimiyo dhalliilaha jira .Waxaannu ilaahay ka baryeyna in uu Allaha awoodda leh u dooro xusbi dalka horumar ,caddaalad ,danyarta hoos u eega ,daacad ah, dulmiga neceb.Waxaa ilaahay mahaddii ah labadii beelood ee walaalaha ah ee  diirirtu dhexmartay oo la so af jaray ciddii wakhtaga gelisay jasaakumallah kahayran.Bulshada reer Somaliland ilaashada nabadgelyadiina iskana jira cadawgiinna ka damqanaya nabaddiina.ha la badiyo saburka hana la fisho khayr

Deeq Cabdi Digale

Advertisement

Ku Xayeysiiso