Tirada Dadka ka Qaxaya Xasuuqa lagu Hayo Muslimiinta Rohingya  oo Kor Dhaafay ilaa Hadda 146 kun oo qof..

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay In ka badan 146,000 Rohingya Muslimiin ayaa ka gudbay xudduudda Bangladesh labadii todobaad ee ina dhaafay si ay uga cararaan colaadaha iyo Xasuuqa Myanmar.

Ururada gargaarka caalamiga ah ayaa ka digay dhibaatooyinka banii’aadanimo ee ka taagan Bangladesh iyada oo ay sabab u tahay tirada badan ee Rohingya Muslimiinta ka soo cararaya guryahooda Myanmar sababtoo ah weerarrada ciidanka ee tuulooyinkooda iyo iyada oo la eegayo warbixinnada xuquuqda aadanaha ee xad-gudubyada daran ee ay geystaan maleeshiyada Buudhist ka.

 

Boqolaal Muslimiin Rohingya ah ayaa la dilay intii lagu jiray ololaha millatari, sida ay sheegeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso