Putin: Waqooyiga Kuuriya ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka Xitaa haday Cawska u cunayaan.!!!

Ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka illaa ay ka dareemaan amaan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in cunaqabateenta dheeraadka ah ee lagu soo rogo Waqooyiga Kuuriya in aanay waxba ka joojinayay isagoo intaas ku daray ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka xitaa haddii ay cunaan cawska.

Putin ayaa sheegay in dib-u-dhac ku yimaada wada hadal uu keeni karo dhibaatooyin caalami ah. waxaanu sheegay in xalka kaliya yahay in arrinta lagu wado dublimaasiyad,Putin ayaa ka hadlayey kulan ay wada hadleen kooxda BRIX Group, oo ay ku jiraan Brazil, India, China iyo South Africa oo ka dhacayay Xiamen ee Shiinaha.

Isaga oo sii wata Hadalkiisa Mr Putin Wuxuu Yidhi “Cunaqabatayn kasta oo timaadaa ma fiicna waxtar na ma laha, ma joojin doonaan barnaamijkooda nukliyeerka illaa ay ka dareemaan amaan, sidee baa loo hubin karaa amniga iyadoo dib loo soo celinayo sharciga caalamiga ah Waxaan ku dhiiri galinaynaa wada hadal dhex mara dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Putin ayaa isaga oo Xaalada ka eegaya xaga bini’aadanimo yidhi malaayiin qof ayay saamayn doonta tallaabooyin kale oo adag oo la qaada.

Mar uu ka hadlay Dhinaca ganacsiga Ruushka ee Waqooyiga Kuuriya wuxuu ku sheegay mid jilicsan mana uusan ku xadgudbin xayiraadaha caalamiga ah ee hadda jira.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso