Mawjado Taageerayaal ah oo Magaalada Gabiley Kusoo Dhaweeyey Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Sawirro

Gabiley(ToggaHerer)-Mawjado taageerayaal ah, ayaa si mug iyo miisaan leh magaalada Gabiley ugu soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, isla markaana ay xubno ka yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, wasiirro, xildhibaanno, salaadiin iyo siyaasiyiin sarsare oo xisbiga KULMIYE ka tirsan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso