Gudaha ka akhriso: Islaan 106 Sanno Jir ah oo Laga Tarxiilayo Dalka Iswiidhan

Haweeney 106-sano jir ah oo Afgaanistaan u dhalatay safar halis ahna u gashay Yurub iyada iyo wiilkeeda iyo wiil ay ayeeyo u tahay iyaga oo iskaga gudbay buuro, lamadegaan iyo kaymo waxay gaadheen Iswiidan kaddib codsigoodii magangalyo ayaa la diiday.

Bybikhal Uzbek Waxay Noqotay Qof aad u gabawday Mana awoodo in ay hadasho Qoyskeedina diidmo ayay kala kulmeen codsigooda magangalyo.

Safarka qoyskan ayaa qabsaday cinwaannada Warbaahinta sannadii 2015, markii qulqulka dadka ee qaararada Yurub bilaabmay ee dalalka Suuriya, Afghanistan, Ciraaq iyo waddamo kale.

Waxay ku Safreen lug iyo tareenada ku yaal Balkans ka hor inta aanay gaadhin Iswiidhen.

Hay`adda Adeegga ajinebiga ayaa go’aansatay in ay go’aan ka gaadho kiiska, iyaga oo ku doodaya in da’da uusan ku jirin magangelyo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso