Murrashax Muuse Biixi oo Khudbad Tusaalooyin iyo Talooyin Siyaasadeed Xambaarsan ka jeediyey Qallinjabinta Dufcaddii 16 ee Jaamacadda Camuud

Boorama (ToggaHerer)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad muujinaysa hoggaamiye aragti dheer leh oo xambaarsan talooyin iyo tusaaleyaal ka turjumaya dawladnimada iyo arrimaha ku xeeran u jeediyey mahadal aqoonyahan tiro badani isugu yimaadeen.
Murrashax Muuse Biixi oo ka mid ahaa madax kala duwan oo uu hormood u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgashay xaflad lagu maamuusay 725 arday oo noqday dufcaddii 16 ee jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama oo dhacday maanta, ayaa khudbad miisaan culus leh oo uu ka jeediyey madasha waxa uu si qoto dheer liishaanka ugu saaray muhiimadda uu dastoorka Jamhuuriyadda Somaliland siiyey sinnaanta muwaadiniinta, suulinta dhaqannada dawladnimada iyo horumarka liddiga ku ah iyo baahida loo qabo inay da’yarta aqoonta lihi doorkooda siyaasadeed iyo horumarba ka ciyaaraan dalka.
Md. Muuse Biixi waxa uu ugu horrayn bahda aqoonyahanka ah u sharraxay sida uu Distoorka qaranku xilka isaga saaray inaanay muwaadiniintu dhexdooda iska dulmiyin, isla markaana uu uga hortegay inuu qof magac kooxeed iyo mid qabiil huwani ku dulmiyo cid kale, waxaannu yidhi, “Qoddobka 8-aad ee distoorka Somaliland waxa uu dhigayaa sinnaanta muwaadiniinta Somaliland iyo inaan muwaadiniinta loo kala sooci karin gobol-gobol, midab, qabiil, dhaqaale iyo diin oo dalka loo simanyahay oo aannu qofna kaligii dal, koox iyo reer magacooda kuwo kale ku sooci karin. Qodobkaasina waxa uu ka horreeyaa ka xisbiyada sameeyey ee 9-aad, waxaana looga hormariyey dadka xisbiyada gelaya iyo kuwa xisbiyada samaynayaa inay marka hore dhuuxaan saddexda faqradooda ee qoddobka siddeedaad ka kooban yahay.”
Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu tilmaamay in bahda aqoonta casriga ah ku hubaysan iyo hormoodka wax barayba looga baahanyahay inay siyaasadda door ku yeeshaan si horumar degdeg ah loo gaadho, “Marka aynu reer Somaliland nahay oo aad dhallinyarada waxbaratay tihiin inaad ka fikirtaan in dawlad-wanaagga iyo qaran dhisku uu ku imanayo in talada lasoo galo oo xisbiyada la dhiso oo siyaasadda gunta laga soo dhiso, dadka Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo kale iyo dadka kale ee hal abuurka leh waxa looga baahanyahay inay siyaasadda hoggaaminta qaranka soo galaan,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo uu shaaca ka qaaday inaanu dalku ku horumari karin inta bulshadu taladeeda u dhiibayso qof ay shaki ka qabto, isagoo xusay in baahi badan loo qabo sidii qofka talada ummadda ku habboon la isugu raaci lahaa, waxaannu yidhi “Isma qabanayso halkii taladu kasoo baxaysay oo xisbiyadii ah oo hoggaamiyayaashii berri diyaarinaysa in ninkii aad dooranaysay ee aad dabagashay ee aad gacanta u taagaysay adoo ka shakisan inaad tidhaahdo haddana wax baan u dhiibbanayaa, waana inaynu fikraddaas beddelnaa oo aynu xagga hore soo marinaa qofka aad aaminsan tahay ee Ilaahay yaqaanna ee aad leedahay dalkuu wax u tarayaa, dalkuna ka guurimaayo dib-u-dhaca haddii aan qofka hoggaamiyaha ah la aaminsanayn, maantana waan ku faraxsanahay inay halkan fadhiyaan ciidan aan is leeyahay dhibtaas wax bay ka tarayaan.”
Waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidada ay leedahay waxbarashadu, waxaannu soo jeediyey in laga gudbo dhaqanka bulshada ku dhex faafay ee cidda talada qabata lagaga horjoogsado tallaabooyinka horumarineed ee ay hindisaan, “Waxaynu u baahanahay inaynu Tacliinta xoogga saarno oo aynu da’yarta dhiirrigelino oo dhallinyaradu siyaasadda soo galaan, iyaga soo akhriyey taariikhdii hore iyo qaladaadkii kuwii hore galeen, dalkana ku horumarin mayno in ninka siyaasiga ah ee dalka hoggaamiyaa marka uu talada joogo in loo diido inuu tallaabo qaado oo tallaabada uu qaado nin aan garanaynini uu qarqarka qabsado, marka uu talada ka tago ama uu dhintona aad loo ammaano,” ayuu yidhi murrashax Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso