Ku-simaha Madaxweynaha iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Boorama

Boorama:(ToggaHerer)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay hawlo shaqo u tageen.

Ku-simaha madaxweynaha iyo weftigiisa oo ay xubno ka yihiin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, wasiirrada wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha, Md. Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Boosaha iyo Is-gaadhsiinta Mustafe Faarax Abraar, wasiiru-dawlaha wasaaradda Khayraadka Biyaha Md. Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh (Dhegoweyne), xildhibaanno, siyaasiyiin, haween iyo saraakiil xisbiga katirsan, ayaa waxa dhinaca bari ee magaalada kaga hor tegay kumanaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boorama oo ay hoggaaminayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee magaalada iyo madaxda dhaqanku, kuwaas oo lulayey caleemo qoyan, astaanta xisbiga KULMIYE iyo weliba tabbeelooyin sawirrada murrashaxiinta xisbiga iyo guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee golaha wakiillada si farshaxannimo leh loogu sharraxay, waxana ay muujiyeen inay taaageero buuxda u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).


Sidoo kale waxa ay weftiga uu hoggaaminayo ku-simaha madaxweynuhu gelibinayeen guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo kasoo jeeda xisbiga KULMIYE, isla markaana dhawaan ku guulaystay kursigaas, waxana ay taageerayaashu soo dhaweyntan isugu soo baxay muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin guusha xildhibaan Axmed Yaasiin oo uu door laxaad leh ku lahaa xisbiga KULMIYE.
Taageerayaasha soo dhaweynta ku-simaha madaxweynaha iyo weftigiisa ka qayb qaatay iyo boqolaal gaadiid ah oo ay wataan, ayaa weftiga u gelbiyey dhinaca khayriyada magaalada, waxana ay buux dhaafiyeen barxadda hore ee khayradda, waxana halkaas kala hadlay xubno kamid ah wefiga oo si weyn uga mahadceliyey soo dhaweyntooda.
Ugu maamulka gobolka Awdal ee xisbiga iyo xukuumadda oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Boorama uga mahadnaqay soo dhaweyn aan loo kala hadhin ee ay wefiga ku qaabileen, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay codkooda si buuxda u siiyaan marka la gaadho waqtiga doorashada.
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo kamid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Awdal oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Awdal uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxana uu ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu ku lahaayeen guushii uu xildhibaan Axmed Yaasiin Cali Ayaanle ka gaadhay tartankii uu u galay kursiga guddoomiye-ku-xigeenka koowaad oo uu cod aqlabiyad ah ku hantiyey, isaga oo shacabka ka codsaday inay maanka ku hayaan abaalka xisbiga KULMIYE u galay guud ahaanba gobolka Awdal.
Wasiirrada wasaaradaha xidhiidhka Goleyaasha Md. Axmed Xaashi Daahir Cilmi iyo Boosaha Md. Mustafe Faarax Abraar oo iyaguna shacabka halkaas kala hadlay, iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Prof. Maxamed Mixille Boqorre, ayaa ugu mahadnaqay soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen weftiga, waxana ay shaaca ka qaadeen inay shacabka reer Awdal maanka ku hayaan sidii milgaha lahayd ee uu guddoomiyaha xisbiga KULMIYE xilka isaga saaray inuu xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle noqdo guddoomiye ku-xigeenka golaha wakiillada.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo halkaas ka hadlay, ayaa mahadnaqa soo dhaweynta kadib ku dheeraaday kaalintii xisbiga KULMIYE iyo murrashaxashixiintiisu ku lahayd guushiisii golaha dhexdiisa, waxana uu bulshada sida gaarka ah u taageerta ugu baaqay inay xil gaar ah iska saaraan inay abaalkaas u gudaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa oo ay waqtida doorashada codkooda siiyaan.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna murrashaxa xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Boorama uga mahadceliyey soo dhaweynta kalgacalka leh ee ay ku qaabileen weftiga uu xubinta ka yahay, waxana uu sharraxay guud ahaanba bulshada reer Somaliland looga baahan yahay isku duubnaan iyo wada-jir si ay yoolkeeda u gaadho.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna kusimaha madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ugu dambayntii hadal kooban u jeediyey shacabkii ku sugnaa barxadda hore ee Khayriyadda, ayaa ku dheeraaday waxqabadka muuqda ee xisbiga KULMIYE ka hirgeliyey dalka, gaar ahaan gobolka Awdal, waxana uu tilmaamay in bulshada looga baahan yahay inay waxqabad ku doortaan cidda doonaysa inay dalka hoggaamiso.

Advertisement

Ku Xayeysiiso