Gudaha ka akhri: 98 Sanno Jir Xajay oo u Mahadnaqay Dedaalkii Wiilkiisi ugu Rumeeyey Riyadiisa 45 Sanno ka Bacdi

Xaaji Noor waa  98-sano jir ka yimid Pakistan sheegayna in ay uga hadhay 2 Sanno oo Qudhi dhamaystirka noloshiisa ee Hal qarni waligii kamuu rajo dhigin riyadiisa oo ahayd in uu mar uun tago Xajka, Waxaanu u mahadnaqay  dadaalka aadka u xoogana ee wiilkiisa, Haji Noor wuxuu mar doonayay fulinta rabitaankiisa xajka ee mar uun noloshiisa.

Xaaji Noor wuxuu sheegay in wiilkiisa kaliya ee uu dhalay in badan shaqeeyay sannado badan si uu u  keydiyo lacag uu ku geeyo Xajka, sida waxa sheegay Xaji Noor .Xaajigu wuxuu guursaday markuu ahaa 20 jir, laakiin wiilkiisa wuxuu dhashay markii uu ku dhawaaday 60. “Waxa i taabtay Dhibaatooyinka  nolosha se marnaba ma rajo dhigin inaan maalin uun Xajo,” ayuu yidhi.

Markuu wiilkiisi koray fahmayna riyadiisa, wuxuu balan qaaday inuu isaga iyo hooyadiis u geyn doono xajka Wax kastay ku kacdoba.

“Wiilkeygu ballan-qaadkiisa si uu u fuliyo, wuxuu si adag u shaqeeyay sanadahan oo dhan si uu u kaydiyo lacag ,lacagtaas oo awood i siinaysa inaan imaado Xajka,” ayuu yidhi.

Laakiinse Xaaji Noor xaaskiisa waxay dhimatay shan sano ka hor. “Haddii ay noolaan lahayd  muddo sanado ah, Ilaahayna lacag i siiyo, waxaan geyn  lahaa Xajka,” ayuu yidhi.

“Waxa kaliya ee warwarka igu hayaa  waa in aan imid Xajka iyada oo aanay ila Xajin Xaaskaygi maadama oo aan muddo iyo sanado badan aanu riyada Xajka Wada Qabnay” ayuu hadalkiisa ku soo gabgabeeyey Xaaji Noor.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso