Daawo : Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland oo khudbad xambaarsan hambalyo, hogo-tusaalayn iyo daraaran uga jeediyey shacabka Boorama fagaaraha khayriyadda

Boorama (ToggaHerer)- Wefti ballaadhan oo ka kooban xisbul-xaakimka KULMIYE oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa si cajiib ah oo aan loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo ay socdaal ku tageen maanta.

Weftiga Madaxweyne-ku-xigeenka oo isugu jira masuuliyiinta iyo saraakiisha xisbiga KULMIYE iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda oo hawlo shaqo oo kala duwan u tagay Gobolka Awdal, isla markaana ay qayb ka tahay galbis loo sameeyey Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee dhawaan loo doortay Golaha Wakiillada Somaliland Md. Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Dila iyo Boorama oo iyada ay ku qaabileen kumanaan qof oo taageerayaasha xisbul-xaakimka KULMIYE oo muujiyey miisaanka taageerada xisbiga ee Gobolka Awdal, kuwaas oo weftiga kaga hortagay meel ka baxsan magaalada oo dhinaca bari iyagoo lulayey caleemo qoyan, astaanta xisbiga KULMIYE iyo weliba tabbeelooyin ama boodhadh ay ku yaalaan sawirrada murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga – Md. Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici iyo weliba Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Md. Axmed-yaasin Sh. Cali oo ay soo bandhigeen sida ay faraxsan yihiin guusha xildhibaan Axmed-yaasiin oo uu door laxaad leh ku lahaa hoggaanka KULMIYE iyo xukuumaddiisa haysa talada Somaliland.

Soo dhawayntaasi baaxadda leh ee weftiga kadib waxa la isugu tagay fagaaraha Khayriyada magaalada Boorama oo madaxda kala duwan ee weftiga iyo kuwa heer gobol iyo degmo ee xisbiga iyo xukuumadduba ay khudbado uga jeediyeen kumanaan shacabkii soo dhaweeyey ah.

Ugu horreyn, Maayarka degmada Boorama Md. Maxamed Xuseen Maydhane iyo Ku-simaha Badhasaabka, ahna Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal, ayaa halkaas uga mahadnaqay shacabka reer Boorama ee sida aan kala hadhka lahayn u soo dhaweeyey weftiga uu horkacayo Ku-simaha Madaxweynaha dalka Md. Saylici. Waxaanay ku dhiirrigeliyeen inay codkooda si buuxda u siiyaan xisbiga KULMIYE oo ah mid lexejeclo ka leh gobolka iyo ummadda ku dhaqanba marka la gaadho waqtiga doorashada.

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ku hadlayey afka madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Awdal, ayaa isaguna shacabka reer Awdal uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxaanu ku dheeraaday doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu ku lahaayeen guushii uu xildhibaan Axmed-yaasiin Cali Ayaanle ka gaadhay tartankii uu u galay kursiga Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad oo uu cod aqlabiyad ah ku hantiyey, isaga oo shacabka ka codsaday inay maanka ku hayaan abaalka xisbiga KULMIYE u galay guud ahaanba gobolka Awdal.

Wasiirrada Wasaaradaha Xidhiidhka Golayaasha Md. Axmed Xaashi Daahir Cilmi iyo Boosaha Md. Mustafe Faarax Abraar iyo Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Prof. Maxamed Mixille Boqorre oo iyaguna khudbado ka jeediyey fagaaraha, ayaa si wayn ugu mahadceliyey shacabka reer Boorama sida diirran ee ay u qaabileen weftiga, waxaanay u hogo-tusaalyeen sida uu ku yimi xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada ee uu ku guulaystay Md. Axmed-yaasiin Sh. Cali Ayaanle oo ka dhashay dadaal ay sameeyeen murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE, taas oo ka markhaati-kacaysa maamuuska iyo milgaha uu xisbul-xaakimku u hayo reer Awdal, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen inay maanka ku hayaan sidii ay u gudi lahaayeen abaalkaasi maalinta codbixinta doorashada Madaxtooyada.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ugu dambayntii soo gunnaanaday khudbadaha, ayaa mahadcelin kadib ku dheeraaday waxqabadka muuqda ee xisbiga KULMIYE ka hirgeliyey dalka, isaga oo si gaar ah liishaanka u saaray sida mudakarnimada leh ee xukuumadda iyo xisbigeedu xilka isaga saareen in Somaliland la wada yeesho, isla markaana laga wada muuqda kuraasta sare ee dalka, waxaannu yidhi, “Kursiga Axmed-yaasiin dhayal kumuu iman ee waxa uu ku yimi siyaasadda xukuumadda KULMIYE iyo xisbigeeda, 2015-kii ayey xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE go’aansadeen markii ay ogaadeen inuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu ka tegayo oo uu noqday murrashax madaxweyne in guddoomiyaha golaha lagu maamuuso reer Sool, si Somaliland u soo dhammaystirano oo looga wada muuqdo, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaadna reer Awdal la siiyo, wuxuuna suuragalay markii Ilaahay qaddaranay.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso