Xog Muhiim Ah : Norway Doorashadan Socota Gacantaa Lagu Tirindoonaa Aaminaad Daro ka dhacday Serverska Halka Somaliland Ay Quud Daraynayso Farsamda Casiriga Ah ee Halka ka Shaqayn wayday sanadkan.

Xog Muhiim Ah : Norway Doorashadan Socota Gacantaa Lagu Tirindoonaa Aaminaad Daro ka dhacday Serverska Halka Somaliland Ay Quud Daraynayso Farsamda Casiriga Ah ee Halka ka Shaqayn wayday sanadkan.

Waxaa Baryahanba Socotay Aamin Daro ku saabsan Habka Tirinta Codadka ee Casriga ah Taas oo Ay Markii ugu horaysay Qaylo ka soo yeedhay Dalweynaha Maraykanka. Waaxanaynu ognahay in Dalka Kenya Ee Dhawaan dooashadu ka qabsoontay La is daba mariyey Codadkii Lagu tiriyey Habka Casriga ah.

Sida uu Fashilay TVga Qaranka Norway ee la yidhaa NRK Waxaa la arkay in Ay jiraan Godloolooyin Dhinaca Serverka ah Oo Si qaldan looga Faaidaysan karo Tirinta Codadka Ee Habka Casriga ah taas oo Serverku Uu wadhna banaanka Oo dadka  Aqoonta u lihi ay si fudud u gali karayeen.

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Casriyeynta Dalka Norway Jan Tore Sanner Ayaa Sheegay in sanadkan Ku Dhawaaqista  natiijada Doorashadu ay dib u dhacayso. Waxaana uu ku sababeeyey  in Sanadkan gacan lagu tirin doono dhamaan codadka la bixiyo.

Waa markii ugu horaysay ee la aamini waayo Habka casriga ah ee Tirinta Codadka Doorashada dalka Norway Sidoo kale waa markii ugu horaysay ee la shaaciyo in Ku dhawaaqista Natiijada doorashadu ay dib u dhaci doonto Dalka Norway.

 

Maadaama dalalkii horumaray Ay Sidaa uga walaacsan yihiin Habka casira ah ee Tiriya Codadka Ay dhiibtaan Codbixiyayaashu Maxaad ka filanaysaa Caalamka Afraad oo ay Somaliland ka mid tahay in laga helo tiro sax ah .

 

Warqabadka togaherer

Oslo Norway

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso