Maxkamadda Sare ee Kenya oo Baabiisay Natiijadii Doorashada Madaxweynanimo ee Kenya Go`aamisayna……

Maxkamadda Sare ee Wadanka Kenya ayaa kanasashay Doorashdii Madaxweyne ee Dhawaan la sheegy in uu ku guuleystay Uhuru Kenyta, Maxkamada Ayaa Soo Saartay Go`aan ah in ib loogu celiyo Doorashada Madaxweyne lana Qabto doorasho kale muddo Lixdan maalmood gudahood ah.

Maxkamadda Sare ayaa sheegtay in guddida doorashada Kenya uusan si hufan u qabanin hannaankii doorashada,Sababtaa awgeedna waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay Maxkamadu natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Afar ka mid ah lixdii garsoore ee dacwada qaadaysay ayaa go’aamiyay in aysan si hufan u dhicin doorashadii madaxweynenimadu sidaas daraadeedna waxay amartay in dib loogu noqdo,Garsoorayaasha ayaa sheegay in IEBC aysan u qaban doorashada si waafaqsan dastuurka Kenya.

Labo ka mid ah garsooreyaasha ayaa qaatay go’aan midkaas ka duwan, halka midkii todobaadna uu ka xannuunsanaa maalmihii u dambeeyay.

Geesta Kale Raila Odinga ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda
“Waa go’aankii ugu horeeyay ee noocan ah ee Afrika laga arko”

Raila ayaa sidoo kalae ku dhawaaqay inay dacweynayaan guddiga doorashada Kenya ee IEBC.

Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho Madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso, waxaana meelo ka mid ah dalkaas ka socda dabaaldegyo ay dhigayaan Taageerayaasha mucaaradka, illaa haddana dowlada Kenya kama hadlin arintan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso