Laba Qarax oo Ciidamada Puntland lagu La Eegtay Tuulada Af Urur Khasaare dhimsho iyo dhaawac oo Ka Dhashay

Saldhig ay ciidanka Puntland ku lahaayeen tuulo la yidhaa Af-urur kana tirsan gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay labo qarax.

Qaraxyada waxaa lasoo hoosgeliyay kabadh Qaad, waxaana lagu beegay xilli ciidan badan halkaasi qaad ka qaadanayey.

Qaraxa kowaad marku dhacay ciidamadii Gurmadka ahaa ee gaadhay Goobta Qaraxa ayaa iyana Waxa Qabsaday Qarax labaad.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli s rasmi ah looma faah faahin. Wararka qaar waxay sheegayaan in dhimashadu marayso 15 qof oo u badan ciidanka Puntland.

Bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii tuulada Af-urur uu ka dhacay weerar lagu laayay ciidan, weerarkaas oo ay ka dambeeyeen kooxda Alshabab.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan ilaa Iyo Hadda.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso