Taliska Booliska Somaliland oo Sheegay in ay Qabqabteen Tiro Dad ah oo Maleegayay Falal Khatar ku ah Amaanka Dalka.

Taliska Booliska Somaliland ayaa maanta Sheegay in ay Qabqabteen Tiro Dad ah oo Maleegayay Falal Khatar ku ah Amaanka Dalka.

“Ciidamada Boolisku Waxay Galeen Hawlgal balaadhan iyaga oo kaashanaya Laamaha Amniga ee Ay gacan saarka dhaw leeyihiin, Waxaana hawlgaladaa lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo maleegaayay Falal khatar ku ah nabad galyada guud ee dalkaiyo shacabka reer Somaliland ba“ Sidaana waxa Yidhi Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa Raaciyey “Waxa socota Baadhistii kiiskaa oo ay ciidamada Boolisku si qoto dheer u baadhayaan wixii ka soo baxana waynu u wada joognaa“ ayuu yidhi .

Ugu Dambayntii Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska ayaa Faray Dhamaan Ciidamada Booliska in ay Galaan Heegan Buuxa .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso