Duqa Caasimada Hargeysa Md Soltelco oo Deeq Dhan 5,000 oo Dollar ku Wareejiyey Caruur Qoys ah oo Indhoolayaal ah.

Hargeysa/ ToggaHerer 31 Aug 2017 Duqa Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa Maanta ugu Deeqay kuna Wareejiyey Deeq Dhan Shan Kun oo Dollar (5,000$) ah , Caruur Agoon ah oo indha La`a.

Md Cabdiraxmaan ayaa Wareejinta Deeqdan lacagta ah ka sheegay in uu Baadi Dooni doono Deeq Intan ka badan, sidoo kalena balanqaaday in Saddexda Caruur ah ee Indhaha Beelay, kuwii wax laga qaban karo iyo labada Caruur ee kale ee Xanuunku ku soo socda ba uu Gacan ka geysan doono geyna doono Dalka India si wax looga qabto.

Mayer-ka ayaa Deeqdan ugu Talagalay in lagu daryeelo Caafimaadka indhoolayaashan Qoyska ah oo ka kooban Saddex Ruux oo agoon ah Waxyeelona ka soo gaadhay Abaarihii dalka ku habsaday.

Duqa Caasimada Ayaa hore ugu Wareejiyey Indhoolayaashan Dhul Loogu talagalay in ay Degaan kuna Noolaadaan kaas oo Maalintii Shalay la Dhagax Dhigay.

Warqabadka ToggaHerer
Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso