Dadwaynaha ku dhaqan Deegaaanka Gambadhe ee Bariga Gobolka Sool oo Taageeray Xisbiga KULMIYE

Dadweynaha ku dhaqan Deegaanka Gambadhe ee bariga Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa si buuxda u taageeray xisbiga KULMIYE oo ay ku qanceen inuu mudanyahay mar labaad in loo doorto talada dalka.


Xaflad ballaadhan oo bulshada ku dhaqan isugu soo baxeen barxadda hore ee xafiiska KULMIYE ku leeyahay deegaanka Gambadhe ayey ku muujiyeen taageerada ay u hayaan xisbiga, waxaannay ku casuumeen ka qaybgalkeeda wasiirro iyo agaasimayaal ka tirsan xukuumadda iyo weliba masuuliyiinta heer degmo iyo gobol ee Sool.
Waxgaradka kala duwan ee deegaankaasi, ayaa sheegay in dhammaan qaybaha kala duwan ee dadka deegaankaasi ay 100 % taageersan yihiin xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirul Dawlaha Beeraha Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda Md. Yuusuf Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhaqan iyo Dalxiiska Md. Faysal Aw Jaamac (Faysal Xayte), ayaa khudbado halkaasi uga jeediyey ku bogaadiyey shacabka Gambadhe go’aanka ay qaateen.

Sidoo kalena, Gudoomiyaha Gobolka Sool iyo Duqa degmada Laascaanood, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabada reer Gambadhe ku soo bandhigeen cudduda xisbul-xaakimku ku leeyahay deegaankooda.
Dhinaca kale, masuuliyiinta kala duwani waxay ka dhagaysteen bulshada waxqabadyada kala duwan ee xukuumadda ka hirgelisay deegaanka oo uu ugu dambeeyey cusbitaal dhawaan la dhisay iyo waxyaabaha dhiman ee u baahan wax laga qabto adeegyada bulshada, waxaanay u ballanqaadeen inay dhammaysitiri doonaan mashaariicda aan dhammaan eek a socda deegaanka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso