Ciid Mubaarak – Kulu-Caam Wa Antum Bi Kheyr – Eid Adxa Mubarak

 

كل عام وانت بخير
Waxaa mahad leh Allah inoo sahlay in aan markale hambalyada ciida barakaysan ee Ciidul-Adxa Mubarak u soo tebino dhammaan akhristayaasha ToggaHerer.

Waxaan idiinku hambalyaynaynaa cibaadada suuban, waxaana idiin rajaynaynaa nabad, barwaaqo iyo badhaadhe. Allah cibaadada suuban dhammaanteen ha inaga aqbalo.

Waxay bahda ToggaHerer si gaara ugu mahadnaqayaan dhammaan akhristayaasha noo soodiray hambalyada ciida barakaysan, waxaana dhammaan idiin soo tebineynaa hambalyo taas lamida.

Allah sannadkan kiisa kale nabad iyo barwaaqo ha inagu gaadhsiiyo, iyo nabad caam ku noqota dunida, insha Allah.
Mar labaad Hambalyada Ciida naga guddooma.

Dhamaantiin waxaanu idinleenahay Ciid Mubaarak, Illaahay haynagu daro kuwa uu u dembi dhaafo.
Kulu Caam wa-antum Bikheyr.

CIID MUBAARAK

Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. La ila-ha ill-lal-lah. Allahu-Akbar, Allahu-Akbar. Wa-lilahill xamdu.

الله أكبر ، الله أكبر ، الله أكبر ، لا إله إلا الله ، الله أكبر ، الله أكبر ولله الحمد

Wabillaahi Towfiiq
Bahda Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso