Gudaha Ka Eeg :Xisbiga WADDANI Oo Xafiis Ka Furtay Xaafad Ka Mid Ah Hargaysa .

Marwada Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, ayaa xadhiga ka jartay xafiis ay iskood u furteen una qalabeysteen taageerayaasha Xisbigaasi ee xaafadda Inji oo ku taala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa.

Xadhiga ka jarista xafiiskan oo Marwada uu ku wehelinaayey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee gobalka Maroodi-jeex Mujaahid Xuseen Aadan Cadde, ayaa waxa sida oo kale kala soo qeyb-galay guddoomiye ku xigeenka 5aad ee Xisbigaasi Marwo Milgo San-baloodh-she, Xildhibbaan Baar Siciid, La taliyaha Murashaxa Madaxweynaha WADDANI ee arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid, La taliyaha Murashaxa Madaxweynaha WADDANI ee arrimaha Ganacsiga Marwo Qadan Hoodo, guddoomiyaha Garabka Haweenka WADDANI Marwo Foosiya Keyse iyo weli ba haween-weyne tira badan oo ka tirsan garabka haweenka ee Xisbigaasi iyo taageerayaal aad u tira badan.

Qaar ka mid ah dadweynahii ku dhaqnaa xaafadda Inji gaar ahaan suuqa xaafaddaasi oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa si farxadle u soo dhaweeyey in Marwada Murashaxa Madaxweynahu ay ku soo booqato xafiiskan ay iskood u furteen sida oo kale na ay xadhiga uga jarto, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in cod iyo cudud ba ay la barbar taagan yihiin Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na soo bandhigay dhaliilo tiro badan oo ay ku ganeen Xisbiga sii dhacaaya ee KULMIYE oo ay sheegeen in uu hagraday xaafaddaasi.

Guddoomiyaha Gobalka Maroodi-jeex ee Xisbiga WADDANI, guddoomiye ku xigeenka 5aad ee Xisbiga WADDANI, guddoomiyaha garabka haweenka Xisbigaasi, Xildhibbaan Baar, Marwo Faadumo Siciid, Marwo Qadan Hoodo iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo halkaas ka hadashay, ayaa dhammaantood ba sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shacbaka xaafadda Inji ay iskood isu abaabulaan isla mar ahaantaana ay doortaan in ay ka qeyb-qaataan siddii uu dalka isbedal ugu dhici lahaa, waxaana ay cod dheer ku sheegeen in Xisbiga WADDANI u taagan yahay isbedal dhaba oo ku dhisan cadaalad, sinaan iyo horumar .

Marwo Faduus Maxamed Rooble oo iyadu na halkaas kala hadashay taageerayaasha ,ayaa uga mahad-celisay sida fiican ee ay isu abaabuleen shacabka ku dhaqan xaafadda Inji, waxaana ay sheegtay in cadaalad darada iyo horumar la’aanta dalka laga bixi karo siddii la kaga kaashan lahaa in wada qeyb-qaadashada isbedal dhaba oo dalka ka dhaca.

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso