Gudaha Ka Eeg :Dugsiyada Horyaal Oo Hargaysa Ku Qabsaday Xafladda Furitaanka Sannad Dugsiyeedka 2016-2017 + Sawiro

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo lagu furayay sannad dugsiyeed-ka 2016-2017 Ee Dugsiyada Horyaal .

Waxaana xafladdan ka soo qeyb galay, Madax-dhaqameed, xildhibaano, wax-garad, waalidiinta ardayda, iyo marti sharaf kale .

Waxaana ugu horayn halkaasi ka hadlay Macalin C/risaaq Cumar oo ku hadlayay afka macalimiinta, waxaanu sheegay in ay ka shaqeeyaan tarbiyadda iyo waxbaashada da’da yar, Sidoo kale waxaa uu carrabka ku adkeeyay wada shaqaynta macalimiinta iyo waalidiinta iyo sida ay muhiimka u tahay .

Waxaa iyana halkaasi ka hadlay Xildhibaan Dheeg, Waxaanu carrabka ku adkeeyay in macalimiintu ku dadaalaan akhlaaqda ardayda .

Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Sahan-Barwaaqo Axmed Guud-cade oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyay ardayda kaalmaha hore galay, waxaanu ku dheeraaday qiimaha ay aqoontu leedahay .

Caaqil Rashiid Jaambiir iyo Ganacsade Ismaaciil Caga-wayne oo halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah u bogaadiyay macalimiinta tacabka galisay ardayda, waxaanay waalidiinta ku booriyeen in ay caruuta ku tarbiyadeeyaan Akhlaaq wanaagsan .

Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Gaarka loo leeyahay oo halkaasi ka hadlay, ayaa khudbad dheer ka jeediyay, Waxaanu ku dheeraaday qiimaha ay leedahay in waalidiinta iyo Macalimiintu ay yeeshaan wada shaqayn adag, si ardaygu u waayo jaanis uu dayaco waxbarashadiisa .

Ugu Danbayn Waxaa halkaasi ka hadlay Maamulaha C.qaadi C.laahi waxaanu ka waramay Maraaxilkii kala duwanaa ee Dugsigu soo maray, waxaanu sheegay in ay dugsiga ku bilaabeen 18 Arday, Waxaanu sheegay in maantana ay ardaydu ay kor u dhaafayso 1000 Arday, isagoo taas ku sababeeyay in bulshadu ku qanacday barnaamijkii Dugsiga Horyaal .

Maamuluhu wxuu waalidiinta ugu baaqay in ay wixii talo ah ay la wadaagaan maamulka iyo macalimiinta .

Ugu dambayn waaxa abaal-marino la gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore gashay, macalimiintii dadalka muujiyay, iyo waaldiiintii iyana sida wanaagsan ula socday xaalka caruurtooda .

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso